Posts

Showing posts from October, 2020

Buugga: Xabag Barsheed

Image
Buugga: Xabag Barsheed Qore: Cali Sh, Maxamed Cabdi (Cali Ileeye) Sannadka: 2018 Bogagga: 292 Bog Qaybo: 7 qaybood, 8 Mawduuc iyo 124 Cashar S/G: Amiina Mohammed BUUGGA XABAG BARSHEED, waa buug aad uga warramaya, midaynta iyo midhiftirka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay hore wax uga qoreen Labada aqoonyahan ee AHN, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Bare sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”. Waxa qalinkiisa u qaatay macallin aad u da’ yar aadna ugu xeel dheer luuqadda Af-soomaaliga siiba marka loo yimaado dhanka maansada. Waxa uu ku furayaa qoraagu bisinka iyo maamuus uu buugga ku maamusay labada aqoonyahan AHN oo aad isugu howlay inay soo gaadhsiiyaan bulshada soomaaliyeed, quruxda iyo Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, ka dib waxa uu mahad-naq balaadhan siinaya ilaahay iyo guud ahaan dadka faraha badan ee buugga tageeray si uu u soo gaadho gacanta akhristayaal badan oo soomaaliyeed. Waxa xusid mudan in Rashiid Sh. Cabdillaahi X. Axmed “Rashiid Gadhweyne” uu

Buugga: Can Love Happen Twice

Image
Buugga: Can Love Happen Twice Qoraaga: Ravinder Singh Bogagga: 224 Bog S/G: Amiina Mohammed Hordhac Waxaan sugey waqti dheer si aan u ogaado waxa ku dhacay Ravin, iyo macnaha ka dambeeya magaca buugga “Can Love Happen Twice” Laakiin waa markii u horreysay ee buuggii aan akhriyey uu i dareensiisay in qoraaga uu u qoray buugga sababta oo ah waxa qasab ku ahayd in uu qoro buugga. Halkii aan ka sugi lahaa "maxaa xigay?", runtii, waxa aan sugayey uun in aan soo afjaro ama gebagabeeyo buugga. Markii aan akhrinaayey, waxay ahayd in qisada buuggu ay iga dhigto sidii oo aan arkaayo waxa dhacaya iyo sida ay sheekadu u socoto maadama oo ay tahay “Love story”, laakiin may noqon. 4 cisho ayey igu qaadatay in aan akhriyo buuggan! Dhab ahaantii na, inta la akhrinaayo, waxaad dareemeysaa in Ravin uu yahay nin iska dhiman doono ka hor inta uusan dhaawicmin ama uusan luminin Khushi. “Can Love Happen Twice”, sheekada uu ka sheekanayo waa mid iska caadi ah. Rayi ahaan, keliya akhri haddii aad r

Buugga: The Laws of Human Nature

Image
Buugga: The Laws of Human Nature Qoraaga: Robert Green Program: Fikrad iyo Buug Codka: Ustaad Mubarak Hadi Bogagga: 600+ S/G: Amiina Mohammed. Hordhac Qoraaga buuggan waxa uu leeyahay in ka badan 6 buug oo dhammaantood ba waa best sellers, waa buugaag aad qiimo badan buugtiisu, waxaana ka mid ah buugga "The 48 laws of power" iyo buugga kale ee "Mastery". Robert Green aad ayuu wax uga qoraa bani'adamka iyo qofku siduu awood u yeelan lahaa ee u fahmi lahaa bani'adamka kale. Lakiin buugtiisa oo dhan waa buug inta badan taabanaysa bani'adamka; marka laga reebo buuggiisa Mastery oo ka warramaya sidii uu qofku ku noqon lahaa mid ku horreeya qayb kasta oo nolosha ka mid ah. Buuggan The Laws of Human Nature waxa uu kaga warramayaa 18 sharci oo uu ku tilmaamayo mise na uu leeyahay bani'adamka ayaa lagu qiimayn karaa, ama waa sida bani'adamka dabcigiisu u badan yahay. Sida oo kale waxa uu leeyahay, qoraagu bani'adamku dabcigiisu maaha sophisticated a

Buugga: Emotional Intelligence

Image
Buugga: Emotional Intelligence Qoraaga: Danial Goleman Program: Fikrad iyo Buug Codka: Ustaad Mubarak Hadi Bogagga: 464 bog S/G: Amiina Mohamed Hordhac Buugga Emotional Intelligence waxa qoray Danial Goleman, waa buug ka kooban 464 baal. Waxa uu kaga jawaabayaa, su'aalaha, Muxuu yahay Emotional Intelligence?, Maxay ku kala duwan yihiin IQ iyo EQ? Maxay tahay muhiimadda uu qofka u leeyahay inuu Emotional Intelligence noqdo? Emotional intelligence ka iyo guusha maxaa ka dhexeeya? Waa maxay xirfadaha uu ka kooban yahay Emotional Intelligence ku? Dhammaan weydiimahaa iyo war-celintooda ayaa uu buuggani uga sheekaynayaa akhristaha akhrinaaya. Danial Goleman, wuxuu ku doodayaa in Emotional Intelligence ku uu ka muhiimsan yahay IQ ga waxa loo yaqaano. Waxa uu yidhi Emotional Intelligence waa "Awoodda uu qofku u leeyahay in uu fahmo naftiisa iyo dareemadiisa, mise na sida oo kale uu ku fahmi karo dadka kale iyo dareemadooda, taasoo keenta in qofku uu xakamayn karo naftiisa iyo ta dad

Buugga: The Whole New Mind

Image
Buugga: The Whole New Mind Qoraaga: Danial H Pink Program: Fikrad iyo Buug Codka: Ustaad Mubarak Hadi Bogagga: 294 bog Sannadka: 2006 S/G: Amiina Mohamed Hordhac Buuggan sida kor ku xusan waxa qorey, Danial Pink. Buug door ah ayaa uu qoray ninkan oo ay ka mid yihiin “To sell is human” iyo buugga kale ee “Drive” kuwaas oo uu kaga sheekaynaayo waxyaabo badan, sida dhiirrigelinta bani’adamku halka ay ka timaado. Waa qoraa aad loo ictimaado ama loo ixtiraamo buugtiisa iyo daraasaadkiisa ba. Danial Pink wuxuu ku doodayaa in dadka la dhaho “Right Brain” ama isticmaala maskaxda dhinaca midig ay dunida maamuli doonaan. Maskaxda siyaabo badan ayaa loo qaybiyaa, mid ka mid ah qaababka loo qaybiyo waa in maskaxdu ay u qaybsan tahay “Right Brain” iyo “Left Brain” oo ah dhanka midig iyo dhanka bidix. Qaybta bidix waxa ay qaabilsan tahay waxa loo yaqaan “Linear thinking” ama Fikraddaha toosan, sida oo kale waa “Sequential”oo waxbay qaybisaa, waxa uu qofku ku fekeraa ereyada uu isticmaalayo, waxay

Buugga: Warjire

Image
Buugga: Warjire (Xog iyo Xusuusqor) Qoraaga: Axmed Siciid Cige Bogagga: 412 bog Sannadka: 2020 S/G: Amiina Mohamed Hordhac Dunida aad ayay caan uga tahay in la qoro buugaagta la dhaho "Memorial Books" ama buugta xusuus-qorka ah. Kuwaas oo ka sheekaynaya isla qoraaga buugga ama shakhsi kale iyo waayaha uu u soo taagnaa. Waxa aad looga bartey buugaagta noocaas ah Madaxweynayaasha Maraykanka, oo badi leh dabeecadda buugaag qorista shakhsi ahaan uga sheekaynaya iyaga. Obama iyo Islaantiisa ayaa ugu dambeeyey oo buugaag iska qoray. In kasta oo ay soomaalida ba jiraan dhowr buug oo shakhsiyo iska qoreen ama laga qoray haba u badnaadeene Abwaannada, oo ay ka mid yihiin Allah yarham buugga Abwaan Gaarriye "Hagarlaawe", buugga Abwaan Hadraawi "Hal Ka Haleel", buugga Abwaan Cabdi qays ee "Darmaan iyo Dalxiis" ama "Geeddigii Cabdi qays" iwm. iyo buugaag kale oo cido kale qoreen balse laga qoray shakhsiyo soomaalidu taqaana ama wax gashaday sida Al

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Image
Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa Qore: George S. Clason Turjume: Dr. Jaamac Sahal Bogagga: 205 Bog Cutubyada: 10 Cashar S/G: Amiina Mohammed Hordhac Buuggan sida kor u xusan waxa la dhahaa Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa (The Richest Man in Babylon), waxa luuqadda ingiriisiga ku qoray qoraa maraykan ah oo la dhaho George S. Clason, balse waxa afkeenna hooyo ku turjumay Dr. Jaamac Sahal. Buuggani waxa uu awoodda saarayaa sida ugu sahlan ee uu qofku ku noqon karo taajir, iyo sida lacagta loo kala dhigto, loo maalgashado, rasamaal wacanna looga sameeyo. Waxa uu qoraagu kaga hadlayaa jeeb madhnaanta iyo sida lagu daaweeyo oo uu tiraba ku qiyaasay toddoba daawo oo mid walba si faahfaahsan uga hadlayo sida ay ku suuragelayso. Waxa iyana muhiim ah in buuggu uu ka hadlaayo waxa loo yaqaan nasiibka iyo ka faaidaysigiisa. Waxa hubaal ah in noloshu fursado badan ay siiso dadka, kuwaas oo ka caawin kara hadafyada u dejisan, balse in badan oo dadka ka mid ah waa ay lumiyaan fursadaahas,

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Image
Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka Qore: Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac S/G: Amiina Mohammed Hordhac Dunida aan ku noolnahay waxa ka socda dagaal hoose oo lakiin u muuqda in maslaxad ku jirto. Dagaalada ka socda na waxa ugu xun midka toos u abbaaraya dhaqanka iyo diinta ka jirta dal, weliba marka loo arko inay koobsanayaan wanaag caawiyey dadka dalka ku nool iyo qof walba oo booqasho ku imaada iyo kuwa la jaarka ah, taas oo loo arko saamaynta togan ee ay bulsho u keeni karto si fudud. Aqoonta iyo cilmiga dhan walba taabtay waxa ugu muhiimsan aqoonta nuurka iyo kala garashada waxa dan ugu jirto dadka iyo waxa kale. Aqoontaas waxa arka dadka nuurka u saaxiibka ah, kuwaas oo hela nuurka ruuxda. Waxa hubaal ah in qof walba ka samaysan yahay jidh iyo ruux, ruuxduna ay tahay midda in badan hagta ficillada uu samaynaayo jidhka. Haddaba intan iyo macluumaad kale oo aad u micne badan ba waxa gudbinaya Buugga Mashruucii La Dagaalanka Nuurka ee uu qoray walaalkeen Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. W

Buugga: Qaran iyo Qabiil

Image
Buugga: Qaran iyo Qabiil Qore: Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” Hordhac Buugga Qaran iyo Qabiil: Laba aan is qaban, ee uu qoray Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” waxa uu dhinacyo badan innaga tusayaa sida ay qabiil iyo qaran u yihiin labo aan is qaban, labo aan wada joogi karin, suuragalna aysan ahayn in labadooda isku mar la wada hadhsado. Waxa uu qoraagu aad uga hadlayaa oo uu xididkeeda raacayaa qaran iyo qabiil iyo sida aanay isu raaci karin. Waxa uu si gaar ah isu dul taagayaa is-diiddooyinka dhisme ahaaneed ee labada dhex yaal; waxaana uu war ugu noqonayaa dhacdooyinka taariikheed ee labadii qarni, waa 19aad iyo 20aad'e. Ujeeddada buuggu waa ta haku-dheggu tilmaamayo ee ah inaan qaran iyo qabiil marna la isku adeejin karin. Doodda asaaasiga ah ee buugga ku dhex filiqsani waa in natiijada qabiil-ku-dhaqanku ay tahay dawlad la'aan. Sida buuggu sheegayo, abuurta aadamuhu waa mid aan oggolaanayn in uu keligii noolaado, taas oo ku khasabta in uu bulsho ku dhex jir