Buugga: The Whole New Mind
Buugga: The Whole New Mind
Qoraaga: Danial H Pink
Program: Fikrad iyo Buug
Codka: Ustaad Mubarak Hadi
Bogagga: 294 bog
Sannadka: 2006
Qoraaga: Danial H Pink
Program: Fikrad iyo Buug
Codka: Ustaad Mubarak Hadi
Bogagga: 294 bog
Sannadka: 2006
S/G: Amiina Mohamed
Hordhac
Buuggan sida kor ku xusan waxa qorey, Danial Pink. Buug door ah ayaa uu qoray ninkan oo ay ka mid yihiin “To sell is human” iyo buugga kale ee “Drive” kuwaas oo uu kaga sheekaynaayo waxyaabo badan, sida dhiirrigelinta bani’adamku halka ay ka timaado. Waa qoraa aad loo ictimaado ama loo ixtiraamo buugtiisa iyo daraasaadkiisa ba. Danial Pink wuxuu ku doodayaa in dadka la dhaho “Right Brain” ama isticmaala maskaxda dhinaca midig ay dunida maamuli doonaan. Maskaxda siyaabo badan ayaa loo qaybiyaa, mid ka mid ah qaababka loo qaybiyo waa in maskaxdu ay u qaybsan tahay “Right Brain” iyo “Left Brain” oo ah dhanka midig iyo dhanka bidix.
Qaybta bidix waxa ay qaabilsan tahay waxa loo yaqaan “Linear thinking” ama Fikraddaha toosan, sida oo kale waa “Sequential”oo waxbay qaybisaa, waxa uu qofku ku fekeraa ereyada uu isticmaalayo, waxay samaysaa dhiraan-dhirinta iyo ka baraan-degga, waxay na qaabilsan tahay qaybta fikirka. Qaybta midig waxa ay qaabilsan tahay hal-abuurka, qaabaynta, dareemidda dadka kale, dareemada qofka, sawirashada muuqaalka ka imaan kara arrin, inuu qofku hab ballaaran u fekero iwm.
Markaa qoraagu wuxuu leeyahay qaybta Midigta ayaa dunida maamuli doonta, wuxuuna ku sababaynayaa oo uu leeyahay berigii hore, xilligii beeraha waxa ka dambeeyey xilligii kacdoonka ama kacaankii warshadaha oo ujeedkiisu ahaa in bani’adamka dhabarkiisa culayska laga dejiyo oo ay warshaduhu shaqeeyaan, oo wax soo saaraan. Ka dib waxa ka dambeeyey Xilliga warbixinta iyo war kala qaadashada “Information age”oo uu leeyahay isagana waa laga gudbayaa maanta, waayo waxa uu leeyahay waxa loo gudbayaa xilliga hal-abuurka ama “Conceptual age” oo ah in bani’adamku maskaxdiisa wax ka keeno ama uu hal-abuuro.
Waxa kale oo uu leeyahay qoraagu waxa jira shaqooyin fara badan oo hawada ka baxay kana bixi doona oo 2030 ka. 38% oo shaqooyinka Maraykan ka laga qabto ayaa hawada ka bixi doona. Dadka in badan oo ka mid ah waxay aadi doonaan qaaradda Asia oo shaqooyin badan ayaa jiri doonta oo qaaraddaas lagu soo qaban doono, taasina waxay ku keeni doontaa bani’adamka dhabar-jab, madaama ay soo baxayaan Rapports, Software’s, oo iyagu shaqooyin badan la wareegaya.
Midda kale ee saamayn doonta bani’adamka, waxa uu qoraagu ku sheegay Brands “Noocyada kala duwan” ee ashyaada, oo wuxuu leeyahay markii hore shayadu wax ka badan 2 Brand may lahayn, hadda se tirada waa ay ka bateen. Shay walba maanta tiro badan oo brands ah baa laga helayaa, keliya waxay ku kala duwan yihiin waa qaabayntii iyo qurxintii, oo aan sidaa loo kala garanayn waxay wax-soo-saarku wuxu ku kala duwan yahay. Marka halkan ayuu sida oo kale qoraagu leeyahay ayay ka bilaabmatay inay shaqayso Maskaxda dhinaca midig ama “Right brain” ku oo wuxuu leeyahay waa ba ay bilaabmatay.
Sida oo kale qoraagu waxa uu tilmaamayaa Lix xirfadood oo uu leeyahay aad ayay muhiim ugu tahay in ay dadku yeeshaan si ay xilligan hal-abuurka “Conceptual Age” ay u noqdaan dad badbaada oo suuqa wax-soo-saar kooda laga gato, waa kuwo sahlaya in qofku uu ka mid noqdo dadka dunida maamuli doona.
Xirfadda 1aad: “Design” waa qaabaynta shayga. Wuxuu leeyahay qoraagu, waa in qofku uu ahaado mid aad u yaqaana qaabaynta shayga uu soo saarayo iyo sida uu wax u dhigayo, haddii aan qofku ku fiicnayn Design-ka ama qaabaynta, qoraagu waxa uu buuggiisa ku lifaaqay laylisyo qofka baraya noocyada kala duwan ee loo sameeyo qaabaynta, sida oo kale na sida/habka loogu sameeyo xasuus-qor qofka xasuusinaya muhiimadda xirfaddan.
Xirfadda 2’aad: “Empathy”, waa dareenka uu qofku dareemayo dadka kale dareenkooda, ama uu gashanaayo kabaha ay xidhan yihiin dadka uu gaadhsiinayo adeeggiisa iyo waxa ay bulshadu u baahan tahay, Waxa uu leeyahy qoraagu dadka nocaas ah waxay sawiran karaan baahida bulshada ka dibna iyagoo halkaa ka duulaya waxay samayn karaan wax-soo-saar buuxiya baahidaa ay arkeen ama u soo baxday.
Xirfadda 3’aad: “Symphony” oo ah in qofku isu keeno fikrado kala duwan, ama waxyaabo aan shaqo isu lahayn in la isu keeno, ka dibna waxa uu kala soo baxayaa qaab ama fikrad kale. Wuxuu leeyahy qoraagu tani waa qayb ka mid hal-abuurka, balse waxay u baahan tahay waa in mawadiic iyo fikrado kala duwan la daraaseeyo waxna laga akhriyo, si loo helo xirfaddan; ama xidhiidh hala lahaadaan waxa shaqadu tahay ama yeyba la lahaane.
Xirfadda 4’aad: “Story”, waa in qofku awood u leeyahay xirfadda sheeko-sheegidda oo uu qofku sheegi karo wax-soo-saarkiisa, iyo waxa uu yahay ama uu ka kooban yahay, siday ku abuurantay iyo wixii kelifay wax-soo-saarkaas.Sida oo kale waa in qofku dadka macmiilka uu rabo inay u noqdaan uu ku qancin karo wax-soo-saarkiisa iyo ka duwanaanshaha uu ka duwan yahay kuwa suuqa kula jira.
Xirfadda 5’aad: “Play” oo ah, in qofku garto sida iyo qaabka uu wax-soo-saarkiisa suuqa u soo gelin karo, sida uu uga dhigi karo mid suuqa oo dhan qabsada, dadkuna xiiseeyaan, mise na ka jawaabaya baahidooda iyo waxa ay rabeen.
Xirfadda 6’aad: “Meaning”, oo ah in wax-soo-saarku uu yeesho macne ka duwan kuwa suuqa kula jira, wa markay ka jawaabayaan macmiishu’e. Taas oo xidhiidh dhow la leh xirfadaha kale ee qaabka sheeko-sheegidda iyo qaabka qaabaynta ba .
Isku soo wada duub, qoraagu sida uu sheegay waa in qofku laba su’aalood uun uu jawaab u helo. Waa Mid’e waa mustaqbalka dhow iyo shaqada uu qofku ka shaqeeyo mala beddeli kartaa, oo ma lagu beddeli karaa Software oo kale oo ah in laga ba maarmo dadka, ama ba in loo helo cid ku qabata lacag riqiis ah. Su’aasha 2’aad na waa haddii uu qofku suuqa wax-soos-saar la imaanayo muxuu wax-soo-saarkaas kaga duwan yahay kuwa kale ee suuqa yaala. Taas na waxa uu qofku kaga guuleysan karaa waa inuu yeesho Xirfadda 1’aad oo ah qaabayn qurxoon oo soo jiidasho leh oo ka duwaysa kuwa kale ee suuqa ku jira. Sida oo kale waa muhiim xirfadaha kale na….
Runtii waa buug, cid kasta oo doonaysa inay la jaan-qaado casrigan ama qarnigan 21aad oo doonaysa inay ka qaadato qayb-laxaad leh, ama wax soo saarka dunida na wax ku soo kordhiso ay tahay, inuu eego/akhriyo buuggan.
Akhris wanaagsen.
Comments
Post a Comment