Buugga: Xabag Barsheed

Buugga: Xabag Barsheed
Qore: Cali Sh, Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
Sannadka: 2018
Bogagga: 292 Bog
Qaybo: 7 qaybood, 8 Mawduuc iyo 124 Cashar
S/G: Amiina Mohammed

BUUGGA
XABAG BARSHEED, waa buug aad uga warramaya, midaynta iyo midhiftirka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay hore wax uga qoreen Labada aqoonyahan ee AHN, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Bare sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”. Waxa qalinkiisa u qaatay macallin aad u da’ yar aadna ugu xeel dheer luuqadda Af-soomaaliga siiba marka loo yimaado dhanka maansada. Waxa uu ku furayaa qoraagu bisinka iyo maamuus uu buugga ku maamusay labada aqoonyahan AHN oo aad isugu howlay inay soo gaadhsiiyaan bulshada soomaaliyeed, quruxda iyo Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, ka dib waxa uu mahad-naq balaadhan siinaya ilaahay iyo guud ahaan dadka faraha badan ee buugga tageeray si uu u soo gaadho gacanta akhristayaal badan oo soomaaliyeed.
Waxa xusid mudan in Rashiid Sh. Cabdillaahi X. Axmed “Rashiid Gadhweyne” uu buugga kaga maamuusan yahay dhinaca inuu ka bixiyo buugga gogol-xaadh huwan labada aqoonyahan ee kor ku xusan iyo Cali sida ay isula jaan-qadayaan, taas oo ah is barbar-dhig koobsanaya labada aragtiyood ee AHN Gaarriye iyo Carraale. Waxaan oran karnaa waa cilmi-baaris uu sameeyey Cali ileeye, si uu u tuso akhristayaasha labada aragtiyood meelaha ay ku kala duwan yihiin, iyo sida labada aragtiyood ba mid kasta maangal ugu yahay halkiisa. XABAG BARSHEED, waxa uu aad awoodda u saarayaa midaynta labada aragtiyood ee Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, iyo midhiftirka wixii qabyo ka ah.
Buuggan waxa uu ka kooban yahay 7 qaybood, 8 mawduuc iyo 124 cashar. Waxa uu akhriste walba marka uu buugga sidaa u soo qaado ku kala furayaa iftiimin iyo ibo-fur ku saabsan guud ahaan Suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. 4-ta qaybood ee ugu horreeya buuga waxa uu akhriste walba ku baran doonaa xeerarka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.
Qaybta 1’aad: waxa loogu baranayaa si faahfaahsan dhererka Meeriska Maanso oo laga cabbiraayo Shaqalka.
Qaybta 2’aad: waxa lagu baranayaa habdhaca Meeriska Maanso oo Jaanta laga cabbiro.
Qaybta 3’aad: waxa lagu baranayaa waa dheelitirka Meeriska Maanso.
Qaybta 4’aad: waxa uu akhriste kasta ugu tegi doonaa xaraf-raaca iyo hannaanka deelqaafka looga ilaaliyo Maansada.
Qaybta 5’aad: ee buugga waxa lagu baran doonaa xidhiidhka ka dhexeeya godadka Maansada iyo hab-samaysankooda.
Qaybta 6’aad: waxa lagu baran doonaa tusaalayaasha 40-God Maanso oo kala duwan, sida oo kale waxa lagu baran doonaa in ka badan 20 Maanso oo dhammaystiran kana kala socda 23-god oo kala duwan. Sida qoraaga buuggu uu inoo sheegay na tani waxa ay ka kaabaysaa akhristaha Fahamka Godadka Maansada.
Qaybta 7’aad: oo ah midda soo Af-meeraysa waxa uu akhristuhu ka heli doonaa qormooyin muhiim ah oo la xidhiidha suugaanta sida qurxinta Maansada, dhadhansiga suugaanta, Farcamaha, Qodob-furanka, Xigashada habboon iwm.
Buuggan waxa uu aad uga hadlayaa waa Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, Godadka Maansada oo ah in ku dhow 40-God Maanso, waxa kale oo xusid mudan in qoraagu baraayo akhritayaasha sida loo tiriyo god maanso kasta, halka laga tiriyo, shaqallada iyo sida tirada loo kala siiyo, iyo casharro badan oo muhiim ah.
ARAGTIDA BUUGGA
XABAG BARSHEED! Akhriste ahaan intaan arkaayey buug soomaaliyeed, buuggan waa midkii ugu qiimaha badnaa ee aan akhriyo, weliba buug si fudud kuu fahamsiinaya Suugaanta iyo Maansada soomaaliyeed. Hore uma aqoon godadka maansada inay ka badan yihiin Gabay iyo Geeraar oo aan aqoon ahaan u haystay in Buraanburka, Heesaha, iyo inta la hal-maasha ba soo hoos galaan labadan, se marna isma laheen mid kasta sidiisa ayaa uu u yahay God-maanseed, balse maanta waxaan aqaan in Maanso kasta godkeedu uu gaar u yahay mid kasta na ka madax bannaan tahay ta kale.
Dhiganehan waxa uu si toos ah u anfacayaa, Macallimiinta Af-soomaaliga barta ardayda, dugsiga hoose-dhexe iyo sare ba, waxa uu anfacayaa Ardayda iyo qof kasta oo jecel in uu wax ka barto Maansada Soomaalida, siiba kuwa jecel inay noqdaan Abwaanno. Waxa uu anfacayaa baadhayaasha suugaanta, iyo cid kasta oo jecel inay wax ka ogaato Maansada Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu buuggan anfacayaa cid kasta oo maanka ku haysa fahamka iyo barashada dhismaha Suugaanta Soomaalida iyo hal-beegga Maansooyinka kala duwan ee Soomaalida. Waxa xusid mudan in buuggan uu kaabe iyo kobciye ba u yahay qof kasta oo jecel Curinta Suugaanta Soomaalida.
GUNAANAD
Waan bogaadinayaa waanan u ducaynayaa Labadii aqoonyahan ee lahaa asaaska Miisaanka Maansada Soomaaliyeed AHN Abwaan Gaarriye iyo Carraale, rabbi qabriga ha u waasiciyo una nuuriyo labadooda ba in sha allah……FAATAXA! Waxaan sida oo kale aad u bogaadinayaa qoraaga buugga o si weyn isugu hawlay in uu dib u akhrin ku sameeyo labada aragtiyood ee MMS mise na ina soo gaadhsiiyo buuggan si uu wax badan inoo baro. Aaad baad ugu Mahadsan tahay.
*************
FG: Waxaan rajayanaya in qof walba oo soomaaliyeed, isku howlo barashada Maansada Soomaaliyeed oo ah mid mudan in la barto wax badanna laga ogaado.

Shifo ku af-saar
Akhris wanaagsen
Mahadsenid


Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa