Buugga: The Laws of Human Nature

Buugga: The Laws of Human Nature
Qoraaga: Robert Green
Program: Fikrad iyo Buug
Codka: Ustaad Mubarak Hadi
Bogagga: 600+
S/G: Amiina Mohammed.

Hordhac

Qoraaga buuggan waxa uu leeyahay in ka badan 6 buug oo dhammaantood ba waa best sellers, waa buugaag aad qiimo badan buugtiisu, waxaana ka mid ah buugga "The 48 laws of power" iyo buugga kale ee "Mastery". Robert Green aad ayuu wax uga qoraa bani'adamka iyo qofku siduu awood u yeelan lahaa ee u fahmi lahaa bani'adamka kale. Lakiin buugtiisa oo dhan waa buug inta badan taabanaysa bani'adamka; marka laga reebo buuggiisa Mastery oo ka warramaya sidii uu qofku ku noqon lahaa mid ku horreeya qayb kasta oo nolosha ka mid ah.
Buuggan The Laws of Human Nature waxa uu kaga warramayaa 18 sharci oo uu ku tilmaamayo mise na uu leeyahay bani'adamka ayaa lagu qiimayn karaa, ama waa sida bani'adamka dabcigiisu u badan yahay. Sida oo kale waxa uu leeyahay, qoraagu bani'adamku dabcigiisu maaha sophisticated ama wax adag, bal waa wax fudud oo la fahmi karo. Waa buug ku barayaa akhriste ahaan bani'adamka dabcigiisa. Wuxuu ku barayaa waxa ka mid ah sida aad adigu isu baran lahayd, sida aad u akhrin lahayd dareemadaada, tognaantaada iyo tabnaantaada. Sida oo kale waxa aan ka madhanayn sidii uu qofku u akhrin lahaa bani'adamka kale.
Runtii qoraagan iyo qoraayo kale ba waxa ay aaminsan yihiin in bani'adamka qaybta tabnaantu ay aad ugu badan tahay. Waxa kale oo buuggan loogu tegayaa in qofku si macquul ah uu isugu akhrin karo.
Xeerarka uu dhigaayo buuggu waxa ka mid ah xeer la yidhaahdo (The Law of Irrationality). Wuxuu leeyahay qoraagu bani'adamku waxa uu isu haystaa kuwo ama dad Rational ah, dad aanay xukumin dareemadoodu balse uu xukumo caqliyadoodu. Dad ka fekera oo ka baaraan-dega waxyaalaha dhacaya. balse wuxuu leeyahay waxa ay bani'adamku hilmaamsan yihiin in ay xakameeyaan dareemadooda in ka badan caqligooda. Waxa la yidhaahdaa, bani;adamku waa sida basasha oo kale oo ah saddex lakab. Waa qof yaqaana kuma ayaad tahay, qof yaqaana dareemadiisa, sida xilliyada farxadda, murugada, cadhada iwm, iyo midka saddexaad oo ah mid yaqaanna naftiisa iyo dhaqamada kale ee bani'adamka kale. Sida garashada sida looga fal-celiyo dareemada dadka kale. Sida oo kale waa mid yaqaana fekradaha ka imanaya maskaxda tognaantooda iyo tabnaantooda ba.
Sida qoraagu inoo sheegayo, fekraduhu waa kuwa saameeya dareemada bani'adamka, dareemadu na waa kuwa saameeya ficilka qofka, ficilka qofku na wuxuu saameeyaa caadada qofka halka caadada qofku na ay saamayso dabeecadda qofka. Mar kale waxa uu qoraagu inna leeyahay, in uu qofku ogaal u yeesho dareemadiisa oo ayna hoggaamin waa muhiim haddii kale waxa ay noqonaysaa in qofku ka fal-celiyo hadba sida uu qofku dareemayo, taasna waxa ka dhalata cawaaqib aan qofka raalli gelin ama ka farxin marka dambe.
Xeer kale oo ka mid ah xeerarka buugga ayaa ah (The Law of Compulsive Behavior), oo ah in bani'adamku ay muhiim u tahay inay isku hareerayaan dad leh shakhsiyad wanaagsan. bani'adamku waxay inta badan soo bandhigaan tognaantooda taas oo marar badan keenta in gadaal laga ogaado shakhsiyadda dhabta ah ee qofku uu leeyahay. Wuxuu leeyahay guusheenna iyo waxqabadkeenna wanaagsen waxa saamayn ku leh dadka noogu hareeraysan. Markaa sida qoraagu dhigayo waa in dadka ku hareeraysan qofka ay noqdaan kuwo shakhsiyad wanaagsen.

Shakhsiyadduna maaha middan uu qofku soo bandhigo oo keliya ee shakhsiyadda waxa maamula ama xukuma saddex wax, sida Jiinka qofka oo ah waxa uu qofku hiddaysanaayo, midka 2'aad waa barbaarintii qofku uu soo maray iyo sidii loo soo koriyey. Waa kii rasuulkeenna CSW lahaa "Ilmo kasta waxa uu ku dhashaa fidro wanaagsen" ee Waalidkii ayaa saamayn ku leh cidda u noqonaayo muslim iyo gaal ah. Sidaa si la mid ah ayaa hab-dhaqanka iyo hab-fikirka qofku ay saamayn weyn ugu leedahay qofka deegaanku uu ku soo barbaaray. Midda 3'aad waa caadada qofka iyo khibradaha uu leeyahay kuwaas baa shakhsiyadda qofka saamayn ku yeesha.
Dabeecadda qofku isma beddelo, oo waxa ka mid ah dabeecadaha qofku sida uu uga falceliyo haddii masiibo ku dhacdo, sida uu uga fal-celiyo dhaliilaha qofka. Marka wuxuu leeyahay qoraagu halkaas ayaa uu qofku ku kala ogaan karaa qofka uu la xidhiidhayo nooca abuur ahaan ee uu samaysan yahay.
Xeerarka kale waxa ka mid ah (The Law of Short Sightedness). bani'adamku dabci ahaan waa indheer-garad ama ma eegaan waxa ka sii shiisheeya, Tan waxay dhacdaa in qofku ka qayb galo dhacdo aanu diyaar u ahayn sida Dagaallo, Doodo, Muran iwm. Tani waxay keentaa qofku haddii aanu cilmi u lahayn arrimahan inuu ku dagmi karo waxyaalaha fudud ama si fudud uu wax u rumaysan karo. Markaa waxa uu qoraagu leeyahay si guud u eeg dhacdooyinka nolosha waayo haddii kale dhaqan aadan rabin inaad samayso ayaad arkaysaa adiga oo samaynaya Tan waxay sababaan in qofku uu maamuli kari waayo dhacdooyinkaas….
Buuggu sidaan hore u soo sheegnay waxa uu dhigayaa 18 Cutub oo mid walba faaiido badan leeyahay. Buuggan isagoo PDF ah waxa uu ku jiraa websites ka, Isagoo sida oo kale AUDIO Book ah na waa laga helayaa Internet ka. Waa buug aad u weyn oo u baahan in waqti la siiyo si loo fahmo 18ka Xeer iyo sida ay uga warramayaan bani'adamka.
Waxa ka mid ah xeerarka kale ee aan idiin dhaafayno si aad u akhridaan; (The Law of Narcissism, The Law of Role-playing, The Law of Covetousness, The Law of Defensiveness, The Law of Self-Sabotage, The Law of Repression, The Law of Gender Rigidity, The Law of Envy, The Law of Grandiosity, The Law of Aimlessness, The Law of Conformity, The Law of Fickleness, The Law of Aggression, The Law of Generational Myopia, The Law of Death Denial)...
Intan iyo ina kale oo faaiido badan ba waad ugu tegaysaa buugga..

Akhris wanaagsen
Mahadsenid


Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Xabag Barsheed