Buugga: Emotional Intelligence
Buugga: Emotional Intelligence
Qoraaga: Danial Goleman
Program: Fikrad iyo Buug
Codka: Ustaad Mubarak Hadi
Bogagga: 464 bog
Qoraaga: Danial Goleman
Program: Fikrad iyo Buug
Codka: Ustaad Mubarak Hadi
Bogagga: 464 bog
S/G: Amiina Mohamed
Hordhac
Buugga Emotional Intelligence waxa qoray Danial Goleman, waa buug ka kooban 464 baal. Waxa uu kaga jawaabayaa, su'aalaha, Muxuu yahay Emotional Intelligence?, Maxay ku kala duwan yihiin IQ iyo EQ? Maxay tahay muhiimadda uu qofka u leeyahay inuu Emotional Intelligence noqdo? Emotional intelligence ka iyo guusha maxaa ka dhexeeya? Waa maxay xirfadaha uu ka kooban yahay Emotional Intelligence ku? Dhammaan weydiimahaa iyo war-celintooda ayaa uu buuggani uga sheekaynayaa akhristaha akhrinaaya.
Danial Goleman, wuxuu ku doodayaa in Emotional Intelligence ku uu ka muhiimsan yahay IQ ga waxa loo yaqaano. Waxa uu yidhi Emotional Intelligence waa "Awoodda uu qofku u leeyahay in uu fahmo naftiisa iyo dareemadiisa, mise na sida oo kale uu ku fahmi karo dadka kale iyo dareemadooda, taasoo keenta in qofku uu xakamayn karo naftiisa iyo ta dad ka ba" Halka IQ-gu na uu yahay "Awoodda garasho ee kasmo-kasbasho (Academic) ee uu qofku leeyahay".IQ-gu waxa uu sheegaa qofka caqli-badnidiisa iyo sida uu u xaliyo weydiimaha aqoonta iyo cilmiga ku salaysan, Emotional intelligence ku na waxa uu saadaaliyaa guusha iyo wax-soo saarka qofka.
Waxa jira aragtiyo odhanaya "Awoodda kasmo-kasbasho ee qofka oo keliya laguma qiimayn karo caqli-badnidiisa", aragtiyaha waxa ugu caansan aragtida Multiple Intelligence ee Howard Gardner oo uu leeyahay waxa jira illa 8-hab oo qofka lagu cabiri karo caqli-badnidiisa, Hababkan waxa ka mid ah Emotional Intelligence waana halka uu ka yimi qoraalka buuggan Danial Goleman. IQ-gu keliya qofka wuxuun buu u billaabaa sida inuu qofku heer ka gaadho school-ka iyo waxbarashada, halka Emotional Intelligence ku uu sheego in qofku uu noqon karo mid guulaysta oo dunida wax ku soo kordhiya iyo in kale.
Mar kale, wuxuu leeyahay qoraagu, 20% ayuu IQ-gu tilmaama in qofku guulaysan karo halka 80% in qofku guulaysto ama wax ku soo kordhiyo dunida uu tilmaamo Emotional Intelligence ka.
Afar ayuu ka kooban yahay Emotional Intelligence oo asaas u ah sida ayuu inoo sheegay Danial Goleman. Waana kuwan:
1. Self Awareness (Wacyi-gelinta Nafta)
Qodobkan waxa uu ku lafa-gurayaa qoraagu, waa awoodda uu qofku u leeyahay naftiisa, illa intee in le'eg ayuu qofku aamusin karaa buuqa ku furan naftiisa, dareemada iyo waxa kiciya, xaaladaha dareemada qofka, iyo sida fikirka qofku u saameeyo dareemada, dareemadu na u saameeyaan hab-dhaqanka qofka, hab-dhaqankuna uu u saameeyo dadka ku hareeraysan. Sida oo kale qodobkan waxa uu is dul-taagayaa wacyi-ogaalka dadka iyo sida ay fikradahoodu u saameeyaan dareemada qofka.
2. Self Management (Maamulka Nafta).
Qodobkan waxa uu inta badan kaga hadlayaa qoraagu waa awoodda uu qofku u leeyahay in uu xakamayn karo nafta, sida uu qofku u qaboojin karo dareemadiisa, sida cadhada oo kale, iyo sida uu qofku uga reebi karo naftiisa waxyaabaha ay naftu jeclaysanayso ee aan faaiidada u lahayn waa shahwaadka'e. Sida oo kale qoraagu waxa uu qodobkan kaga hadlay sida uu qofku u hagi karo dareemadiisa, sida haddii xaaladdu ay is beddesho sida la isu dhiirrigelin karo ee uu dareenkaa ama xaaladda u maamuli karo, mid kale na ugu soo dabbaali karo.
3. Social Awareness (Wacyi-gelinta Bulshada)
Qodobkan waxa uu kaga hadlayaa qoraagu, dadka kale. Waa awoodda uu qofku u leeyahay awoodda garasho ee dadka kale, inuu qofku garto dareemada iyo xaaladaha dadka ku hareeraysan. Sida inuu gashan karo kabaha dadka kale, macnaha inuu dareemi karo dareemada iyo xaaladaha dadka iyagoon waxba u sheegin, ama garan karo meesha iyo goobta ay dadka ku hareeraysan ku nool yihiin. waxa sida oo kale muhiim ah in uu fahmi karo fekradaha ay la wadaagayaan dadku halka ay ka imanayaan, iyo sida ay wax ugu kordhin karaan ama loo kala haadin karo.
4. Relationship Management (Maamulka Xidhiidhada)
Qaybtan ugu dambaysa,ama 4'aad waxa uu qoraagu ku lafa-gurayaa sida qofku uu yahay dad-la dhaqankiisu, sida dadka kale loola shaqayn karo ama wax loola qabsan karo, sida haddii khilaaf yimaado loo xalin karo iyo siyaalaha loo maro, sida loo dhegaysan karo dadka markay wax sheegayaan ama inala doodayaan, sida dadka loo qancin karo, ka dib helidda fekradaha iyo, sida dadka loo dhiirrigelin karo, marka la qiimeeyo. iwm
Buuggu waa buug aad muhiim u ah balse u qoran hab Academics ah ama kasmo-kasbasho ah oo ay yara adag tahay in la fahmo. Lakiiin qof walba waa u muhiim in uu akhriyo oo uu xirfadaha buuggan tebinaayo uu barto una kasbado sidii uu hab-dhaqankiisa ugu dari lahaa.
☆☆☆
FG: Mar kasta oo aan buug akhriyo, intaanan bilaabin waxaan raadiyaa xog ku saabsan iyo hordhac guud oo buugga ah, ka dib haddii uu I qanciyo buuggaas waan akhriyaa. Oo haddana markaan dhammeeyo intaanan ka qorin qoraal kooban mar kale waxaan raadiyaa in qof hore oo akhriste ah uu wax ka qoray ama ka yidhi buugga iyo in kale. Waana ii dabeecad haddii aan helo akhriste iiga horreeyey oo 80% illa 90%, aan isku aragti guud ka nahay buugga iyo waxa uu sheegayo, inaan inoo soo qaado xogta akhristaha ka timi qoraal ama cod kay noqoto ba. Waana ii Sharaf in Ustaad Mubarak Hadi uu noqdo in badan qofkaas. Waana ku hambalyeynayaa Program-ka Fikrad iyo Buug oo in badan ah taxane aan ku xiran nahay~
Intan iyo ina kale oo faaiido badan ba waad ugu tegaysaa buugga..
Comments
Post a Comment