Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka
Qore: Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
S/G: Amiina Mohammed

Hordhac

Dunida aan ku noolnahay waxa ka socda dagaal hoose oo lakiin u muuqda in maslaxad ku jirto. Dagaalada ka socda na waxa ugu xun midka toos u abbaaraya dhaqanka iyo diinta ka jirta dal, weliba marka loo arko inay koobsanayaan wanaag caawiyey dadka dalka ku nool iyo qof walba oo booqasho ku imaada iyo kuwa la jaarka ah, taas oo loo arko saamaynta togan ee ay bulsho u keeni karto si fudud. Aqoonta iyo cilmiga dhan walba taabtay waxa ugu muhiimsan aqoonta nuurka iyo kala garashada waxa dan ugu jirto dadka iyo waxa kale. Aqoontaas waxa arka dadka nuurka u saaxiibka ah, kuwaas oo hela nuurka ruuxda. Waxa hubaal ah in qof walba ka samaysan yahay jidh iyo ruux, ruuxduna ay tahay midda in badan hagta ficillada uu samaynaayo jidhka.

Haddaba intan iyo macluumaad kale oo aad u micne badan ba waxa gudbinaya Buugga Mashruucii La Dagaalanka Nuurka ee uu qoray walaalkeen Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Waa qoraal durugsan oo dhumucdiisu aad u baxaad weyn tahay, waa farriin ka timi qoraaga kuna waajahan jiilka iyo dadka akhriska u saaxiibka ah ee soomaaliyeed. Waa qoraal waxtar iyo baraarujin ba xambaarsan. Waa qoraal hiil u ah dadka maskaxda furan ee wax ka fahmi kara dagaalada qabow ee ka socda guud ahaan dunida. Waa qoraal run ahaantii dhacdooyin badan oo maanta jirta taabanaya mise na ka hadlaya aafooyinka ay keeni karaan.

Runtii dagaal toos ah oo hub la isu adeegsanayo mise na la ogsoon yahay si diffaac loo sameeyo waa mid soke. Se ma jirto dagaal ka xun in dadka yaqiintooda iyo guud ahaan dhaqamadii wanaagsanaa ee dhexdooda yaalay la duqeeyo loogana dhigo wax dib u socod iyo dullinimo laga qaadayo, mise na loo qurxiyo wax liddi ku ah waxyaalihii ceebta iyo xishoodka agtooda ka ahaa. Waana tan midda u doonayo qoraaga buuggu in la ogaado, oo loo dhug yeesho aadna looga taxaddaro.
Buuggan in badan waxa uu yahay farriin loo soo diray dhammaan da' yarta maanta aad u xiisanaysa is dhex-galka saa'idka ah ee kelifaya in qof walba si indho la'aan ah ku qaabilo dhaqan kale oo shiisheeye mise na uga faano ama uga tago dhaqan soo jireen ahaa oo ay soo kala dhaxleen tafiirta uu ka soo jeedo. Waxa uu baraarujin u yahay umadda soomaalida oo dhan, weliba waxa uu tusinayaa sida diintooda iyo dhaqankooda ba duulaan cad loogu soo qaaday mise na loo doonayo in la burburiyo iyadoon meel fog la eegin oo loo marayo isla dadka soomaaliyeed.
Waa buug in badan ku bari doona sida ay dunidu u shaqayso, fajiyada iyo qorshayaasha la isku dago, mise waxa uu buuggan si cad qofka akhrinaya u tusinayaa dunida ka qarsoon taasoo saldhigoodu yahay, beenta, khiyaamada iyo sixirka. Dabcan cid walba oo akhrida buuggan waa uu carinayaa, indhaha na u furaya; waxana uu maskaxda kaga tagayaa xasuuso isu geynaya waxa taagan ee aan maalin walba aragno iyo waxa uu buuggu qoraayo iyo raad ma guuraan ah oo mar walba keeni doona in dib loo dhugto fariinta buugga!
Farxad weyn ayay ii tahay in buuggan aan akhriyey, mise na wax badan oo aan dareensanaa uu qoraagu na ii tusay in isagu na dareensan yahay. waanan kugu dhiirrigelinayaa in aad akhrido si aad u ogaato mise na isugu miisaanto qoraalka ku qoran iyo waaqiciga taagan...
Mahadsenid.


Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Xabag Barsheed