Buugga: Qaran iyo Qabiil
Buugga: Qaran iyo Qabiil
Qore: Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”
Qore: Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”
Hordhac
Buugga Qaran iyo Qabiil: Laba aan is qaban, ee uu qoray Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” waxa uu dhinacyo badan innaga tusayaa sida ay qabiil iyo qaran u yihiin labo aan is qaban, labo aan wada joogi karin, suuragalna aysan ahayn in labadooda isku mar la wada hadhsado. Waxa uu qoraagu aad uga hadlayaa oo uu xididkeeda raacayaa qaran iyo qabiil iyo sida aanay isu raaci karin.
Waxa uu si gaar ah isu dul taagayaa is-diiddooyinka dhisme ahaaneed ee labada dhex yaal; waxaana uu war ugu noqonayaa dhacdooyinka taariikheed ee labadii qarni, waa 19aad iyo 20aad'e. Ujeeddada buuggu waa ta haku-dheggu tilmaamayo ee ah inaan qaran iyo qabiil marna la isku adeejin karin. Doodda asaaasiga ah ee buugga ku dhex filiqsani waa in natiijada qabiil-ku-dhaqanku ay tahay dawlad la'aan.
Sida buuggu sheegayo, abuurta aadamuhu waa mid aan oggolaanayn in uu keligii noolaado, taas oo ku khasabta in uu bulsho ku dhex jiro. Waa ta la dhaho aadamuhu asal ahaantiisa waa bulshaawi. Bulshada ka dhalata isu-tagga aadamuhu qaabab kala duwan ayay yeelan kartaa, innagana teenna unuggeedu waa abtirsiga iyo qabiilka. Bulshada dhismaheedu marxalado ayuu maraa, qabiilkuna waa marxalad kuwaas ka mid ah.
Qoraagu waxa uu xaaladda Soomaalida iyo qaab-dhismeedka qabiilka ku salaysan uu fasir uga raadinayaa aragtida Thomas Hobbes ee “State of Nature” ama xaaladda dabeecadeed, waxa uuna tilmaamayaa in Hobbes ay mala-awaal ka ahayd iyo dood falsafadeed. Wallow hab-dhaqanka qabiilladii Soomaalida iyo xaaladda uu Hobbes tilmaamay ay meelo iska shabbahaan. Waa ku talax-tag in xaaladda Soomaalida lagu tilmaamo sidaa, oo jiritaanka qabiilka ayaaba burinaya xaaladdaas, oo ku sifaysan nin walboow naftaa.
Midda kale, xaaladda Hobbes tilmaamayaa waa meel aan xeer iyo xakame kale toona jirin, bulshadeenna qabaliga ahina xeerar iyo dhaqan ay diinta Islaamku aad u saamaysay bay leedahay e, ma aha cawaan aan xadhig lahayn. Qaab-dhismeedka bulsho ee qabiilku salka u yahay ama saamaynta ballaadhan ku leeyahay, qarannimo waartaa uma jirayso.
Runta isu sheeg. Siyaasiya aad taageertid, ma mabda' siyaasadeed baad ku taageertaa mise inaad isku qabiil tihiin? Waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdid: oo halkee laga helayaa cid mabda' siyaasadeed wadata? Waa run oo ma jiraan baa la odhan karaa. Laakiin markaa dawladnimadan aynu u xiiqnay miyaysan ahayn waxa qoraagu ku tilmaamay "..dawladaynta dawlad-la'aanta".
Qoraagu aragtidiisii oo aqoon iyo khibrad nololeed ku dhisan buu ina la wadaagay, wuuna ina la hadlay, markaa inaga ayay inoo taallaa inaan ka falcelinno.... Buuggan iyo buugaagta la mid ka ah in qofku akhriyo, kuna miisaamo waaqiciga taagan aad ayay u fiican tahay.
Comments
Post a Comment