Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa
Qore: George S. Clason
Turjume: Dr. Jaamac Sahal
Bogagga: 205 Bog
Cutubyada: 10 Cashar
S/G: Amiina Mohammed

Hordhac

Buuggan sida kor u xusan waxa la dhahaa Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa (The Richest Man in Babylon), waxa luuqadda ingiriisiga ku qoray qoraa maraykan ah oo la dhaho George S. Clason, balse waxa afkeenna hooyo ku turjumay Dr. Jaamac Sahal. Buuggani waxa uu awoodda saarayaa sida ugu sahlan ee uu qofku ku noqon karo taajir, iyo sida lacagta loo kala dhigto, loo maalgashado, rasamaal wacanna looga sameeyo.

Waxa uu qoraagu kaga hadlayaa jeeb madhnaanta iyo sida lagu daaweeyo oo uu tiraba ku qiyaasay toddoba daawo oo mid walba si faahfaahsan uga hadlayo sida ay ku suuragelayso. Waxa iyana muhiim ah in buuggu uu ka hadlaayo waxa loo yaqaan nasiibka iyo ka faaidaysigiisa. Waxa hubaal ah in noloshu fursado badan ay siiso dadka, kuwaas oo ka caawin kara hadafyada u dejisan, balse in badan oo dadka ka mid ah waa ay lumiyaan fursadaahas, buuggu isaga oo middaas ka duulaya ayaa uu soo qaadanaya sheekooyin badan oo tusaale u ah sida dadkii laga weriyey ay fursado cajiib ah u soo mareen iyo sida ayna uga faaideysan ama u lumiyeen.

Buuggu waxa uu leeyahay inta badan lumista la lumiyo nasiibka ama fursaddu waxay keentaa inaanu qofku halkiisa ka horumarin ama uu faqiir sii ahaado. Sida oo kale waxa uu qoraagu ka hadlayaa sida qof walba guul u gaari karo. Guushu waa in heer laga gaaro qorshayaasha iyadoo loo adeegsanaayo dedaalka iyo awoodda. Sida oo kale, buuggan waxa uu ka hadlayaa sida saboolnimada la isaga daaweeyo oo waxa uu akhristaha ku hagayaa inuu fahmo dhaqaalaha, dhab ahaantii tani waa ujeedada buugga ba loo qorey. Waxa uu iftiimin u sameynayaa dadka doonaya inay guul dhaqaale gaaraan. Keydka ayaa uu sida oo kale buuggu aad isu dul taagaaya.

Waxa xusid mudan in buuggu dib u eegayo magaaladii Baabila oo ah halkii uu ka dhashay xeerka saldhiga u ah dhaqaalaha maanta la adeegsado. Baabila waxay noqotay magaaladii adduunka ugu hantida badnayd iyada oo keentay in dhammaan dadkeedu noqdaan dadkii ugu hantida badnaa umaddii xilligaa noolayd. Qiimaha lacagta iyo hantida ayay qirsanayeen. Waxay ku dhaqmeen xeerar iyo hababka lacagta iyo hantida lagu helo, loo keydsado, looguna shaqaysto..
Buuggan tariikhda la qoray aad ayay u fogtahay oo waa 1926kii balse haddana waxaad moodaa casharrada ku duugan in hadda loo baahan yahay oo waa mid aad u faaiido badan oo in badan akhristaha akhriya caawinaya haddii uu ku dabbaqo hantidiisa iyo dhaqaalaha u haysto. Waxa hubaal ah in qof walba keydka uu dhigto ay ka dhigi doonto mid mustaqbalka nolosha si qurux badan ugu noolaan kara.
Intan iyo in kale oo badan ba buugga way ku qoran tahay qof walba oo jecel akhriskiisa na waxaan kula talinayaa inuu degdeg u doonto oo uu maktabadiisa gaar ah ku darsado. Redsea bookshop oo ku taalla magaalada Hargeisa waa laga helayaa markii igu dambaysay.

Akhris wacan
Wasalaam



Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Xabag Barsheed