Buugga: Can Love Happen Twice
Buugga: Can Love Happen Twice
Qoraaga: Ravinder Singh
Bogagga: 224 Bog
Qoraaga: Ravinder Singh
Bogagga: 224 Bog
S/G: Amiina Mohammed
Hordhac
Waxaan sugey waqti dheer si aan u ogaado waxa ku dhacay Ravin, iyo macnaha ka dambeeya magaca buugga “Can Love Happen Twice” Laakiin waa markii u horreysay ee buuggii aan akhriyey uu i dareensiisay in qoraaga uu u qoray buugga sababta oo ah waxa qasab ku ahayd in uu qoro buugga.
Halkii aan ka sugi lahaa "maxaa xigay?", runtii, waxa aan sugayey uun in aan soo afjaro ama gebagabeeyo buugga. Markii aan akhrinaayey, waxay ahayd in qisada buuggu ay iga dhigto sidii oo aan arkaayo waxa dhacaya iyo sida ay sheekadu u socoto maadama oo ay tahay “Love story”, laakiin may noqon. 4 cisho ayey igu qaadatay in aan akhriyo buuggan!
Dhab ahaantii na, inta la akhrinaayo, waxaad dareemeysaa in Ravin uu yahay nin iska dhiman doono ka hor inta uusan dhaawicmin ama uusan luminin Khushi. “Can Love Happen Twice”, sheekada uu ka sheekanayo waa mid iska caadi ah. Rayi ahaan, keliya akhri haddii aad rabto inaad ogaato waxa ku dhacay Ravin laakiin ha ku sii fogaanin filashooyinka aad ka filaysid buuggan oo wata magac aad u xiise badan.
Si kasta oo ay tahay Markii aan bilaabaayey akhrinta buuggan "Aniguba waxaan u haystay sheeko jaceyl ah oo aad u xiise badan", waxaan filanaayey inay aad u taaban doonto qalbigayga! Xaqiiqdii waxaan ka codsaday intii aragtey asxaabteyda, inay iyaguna akhriyaan buuggan! Balse buuggan wuxuu ahaa mid iska caadi ah oo aan si sahlan u taabanayn qofka akhristaha ah.
Mar kale buuggan, waxaan odhan karaa waa dab-bakhtiiye dhammaystiran - wuxuu dilayaa dhammaan rajooyinka, filashooyinka iyo shucuurta akhristaha, wuxuuna qarinayaa kartida quruxda badan ee qoraaga. Intii uu ku jiray qaybaha koowaad, jacaylka nafta leh ee u dhexeeya Ravin iyo Khushi waxay ku murmayeen sheekadan jacaylka ah, (waa haddii aad jeceshahay inaad ugu yeedho sheeko jacayl’e), waxay aad uga badan tahay muuqaal ahaan mid jacaylka saafi ka ah.
Midda kale, buugga badankiisa, qoraagu wuxuu ku faanayaa guushii ugu horreysay ee uu ka gaadhay qoraannimada iyo isaga laftiisa! Siduu u noqday qoraa weyn, iyo in uu leeyahay malaayiin taageerayaal ah. Taas ayaa ka dhigtay sheekadan mid aad ugu jilicsan dhinaca jaceylka.
Sida ku qoran buugga, wuxuu ka hadlayaa sheeko jacayl oo laba jeer timaaday, se gabadha dambe ee Simar, waa gabar hodan ah, gabar aad u qalbi jilicsan hadana ka duwan Khushi, ma lahan dabeecad aad ugu qanacsan oo waliba ah dhinaca jacaylka ay u qabto Ravin. Runtii waxay u eg tahay in qoraagu u qoray buugga si uu uga farxiyo taageerayaashiisa, waana inaan xuso, in aniga aanan ku faraxsaneyn ugu yaraan qaabka ay qoran tahay sheekada buuggu.
Waxa xusid mudan qof kasta oo buuggan ka filaayey filasho ka duwan ta lagala kulmay in uu aad uga niyad-jebayo akhriska buugga, sida uu cinwaan ahaan u leeyahay xiise badan iyo sida sheekada guduhu ayna marna u lahayn xiise leh dhadhan buuran oo kala caddaynaya Jacaylkii hore ee Ravin iyo Khushi, iyo jacaylka dambe ee Ravin iyo Simar.
Si kasta ha ahaatee, Ravin waxa uu leeyahay buug kale oo uu uga magac daray “I too had a love story” “Anigu ba waan haystaa sheeko-jacayl” buugaas oo gebi ahaanba ka dhigay taageereyaashiisa inay ku akhriyaan hadal la'aan. Jacaylkiisii uu u qabay "Khushi" wuxuu uga dhigay akhristayaashii akhriyey in la garto qeexitaanka dhabta ah ee Jacaylka, buuggiisan labaadna "Miyuu jacaylku laba jeer dhici karaa" waa buug isaga wanaagsan in la akhriyo. Waayo, waxaan had iyo jeer qabay su'aal ah "muxuu jacaylku labo jeer u dhici waayaa" balse, si kasta ha noqotee waxaan ogaadey in aan run ka ahaa in jacaylku labo jeer uu dhici karo.
Intaa iyo in kale ba waa ay ku qoran yihiin buugga.
Shifo ku af-saar
Mahadsenid
Comments
Post a Comment