Buugga: Warjire

Buugga: Warjire (Xog iyo Xusuusqor)
Qoraaga: Axmed Siciid Cige
Bogagga: 412 bog
Sannadka: 2020
S/G: Amiina Mohamed

Hordhac

Dunida aad ayay caan uga tahay in la qoro buugaagta la dhaho "Memorial Books" ama buugta xusuus-qorka ah. Kuwaas oo ka sheekaynaya isla qoraaga buugga ama shakhsi kale iyo waayaha uu u soo taagnaa. Waxa aad looga bartey buugaagta noocaas ah Madaxweynayaasha Maraykanka, oo badi leh dabeecadda buugaag qorista shakhsi ahaan uga sheekaynaya iyaga. Obama iyo Islaantiisa ayaa ugu dambeeyey oo buugaag iska qoray.
In kasta oo ay soomaalida ba jiraan dhowr buug oo shakhsiyo iska qoreen ama laga qoray haba u badnaadeene Abwaannada, oo ay ka mid yihiin Allah yarham buugga Abwaan Gaarriye "Hagarlaawe", buugga Abwaan Hadraawi "Hal Ka Haleel", buugga Abwaan Cabdi qays ee "Darmaan iyo Dalxiis" ama "Geeddigii Cabdi qays" iwm. iyo buugaag kale oo cido kale qoreen balse laga qoray shakhsiyo soomaalidu taqaana ama wax gashaday sida Allah yarham Maxamuud Axmed Cali buuggiisa "Geeljire iyo Aqoonjire" iyo kuwo la hal maala.

Haddaba, buuggan Warjire waxa uu isna ka mid yahay buugaagta ay akhristayaasha isku barayaan shakhsi wax badan ka soo ogaa Geeddiga soomaalida iyo doorka ay ka ciyaareen. Waa buug uu isaga warramayo mid ka mid ah weriyaayaasha geyyiga soomaalida laga yaqaan iyo doorkiisi saxaafadda ee uu muujiyey Somaliland ka hor iyo ka dibba.

Buuggu waa laba qaybood, Qaybta 1aad waa 40 sanno iyo dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee uu weriyey. Qaybta 2'aad na waxa lagu barayaa akhristayaasha shakhsiyo in badan laga yaqaan geyyiga soomaalida iyo tariikhdooda oo kooban oo uu Weriye-Axmed Cige waraystay, Sida Dr. Edna Adem Ismaaciil, Iyo kuwo la mid ah.
Inta ugu badan, waa buug is dul-taagaya Axmed Siciid Cige cidda u ahaa muddada uu saxaafadda ku jirey iyo halka uu maraayey marka uu war doonayo siiba qaababka uu u maraayey, sida oo kale waxaan ka madhanayn sida uu u raacayay si kasta oo uu ku heli karo war isaga iyo idaacadda war-tebiyaha u ahaa ba faaiido u leh.

Waxaan meesha ka maqnayn farriinta ah dad isku xidhka iyo dedaalka looga baahan yahay qofka weriyaha ah kaasoo u dhexeeya xukuumadda iyo dadweynaha/shacabka. Sida oo kale waxa buugga ku lifaaqan sawirro xusuus ah oo u dhexeeya Axmed Cige iyo dadka uu la kulmay/waraysanaayey!
Runtii waa buug guud ahaan anfacaya qof kasta oo mihnadda saxaafadda ku jira ama xiisaynaya inuu ku soo biro, dhinaca kale na waa buug uu isku keen baray weriye
Ahmed Cige
...
FG: Qofka xiisaynaya akhriska buugga waxa uu ka heli karaa dhammaan Bookshops ka magaalada Hargeisa, sida Redsea bookshop.

Akhris wanaagsen
Wasalaam!


Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Xabag Barsheed