Posts

Buugga: Jidka Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah.

Image
Jidka Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah. S/G: Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac —————————— Buuggan waxa 1977kii soo saartay madbacaddii qaranka JDS ee Muqdisho. Waxa la ga soo turjumay labo buug oo afka ruushka ku qornaa. Kuwaas oo iyaguna soo baxay, 1966. Labada buug wax ay ahaayeen; Bilowga duruusta falsafadda iyo aasaaska aqoonta falsafadda. Shaqadaas wanaagsan ee labadaas buug lagu soomaaliyeeyay, wakhtigaas aadka u fog, waxa suubiyay, allah ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Dhunkaal. In buug sidan u qiimo badan la soo saaro, wakhti yar ka dib markii farta soomaaligaba la qoray, runtii waa waxqabad xus mudan. Waxa se mucjiso ah in qoraaga waxqabadka intaas le'eg sameeyay, aan xog badan laga haynin! Cabdillaahi Raage, oo buuggan dib u soo nooleeyay, ayaa raadin dheer kadib xog aan dhammaystirnayn ka helay qoraagaas. Waa tusaale nool sida qofka soomaaliga ahi u maquuran karo, isaga oo mar jiray! Buuggan waxa uu akhristuhu ka dheefayaa, socdaalkii dheeraa ee ay falsafaddu soo martay

Buugga: Women around the messenger

Image
Women around the messenger S/G: Amiina Mohammed Buugga Women around the messenger, oo carabi ahaanna ku ah نساء حول رسول الله. Waxa qorey Muxammed Cali Qutb, waxaana afka ingiriisiga ku turjumay Abdu-Rafic Adewele Imam. Wuxuu buuggani ka kooban yahay 351 bog iyo afar qaybood oo is dul taagayaa guud ahaan dumarkii ka ag dhowaa noloshii Rasuulkeenna عليه الفضل الصلآة والسلآم oo ay ka mid yihiin: 1. Afartii hooyo ee rasuulka oo kala ah, Amina Bint Wahab maamadii rasuulka, Xalimah As-Sacdiyah, Barakah al-habashiyah iyo Fatima Bint Asad oo dhammaantood ba ah maamooyinkii naas-nuujinta rasuulka ka qayb qaatay. 2. Xaasaskii rasuulka oo ahaa 11 xaas. Buuggu waxa uu mid kasta kaga warramayaa tariikhdeedi oo kooban iyo doorkii ugu muhiimsanaa ee ay ka qaadatay bulshadii ay markaa la noolayd iyo islaamka ba. Doorkii ay mid kasta o ka mid ah ay rasuulka iyo diinta ba ugu jirtey, iyo mid kasta oo ka mid ah meelaha ay u wanaagsanayd, taasoo keentay in talooyin wax ku ool ah rasuulka iyo asaxaabtiis

Buugga: Maalinkii u dambeeyey Jannada

Image
M aalinkii u dambeeyey Jannada S/G: Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac ----------------------------------------------------------------- Waa wada sheekaysi dhex maraya hooyo Xaawa iyo aabbo Aadan. Waa allifaad khiyaal ah, oo aan run ahayn. Waxa qoray, Cali Amiin Yuusuf oo u dhashay dalka Masar. Waxa soo rogay, oo afkeenna kusoo hodmiyay, saaxiibkay Axmed Deeq . Wax aannu ka mid yahay, mashruuca madbacadda Hiil Press ugu magac dartay, hiil turjumid. Waa hooyo Xaawa oo ku caajistay, jannada iyo nimcooyinka eebbe ugu deeqay, kana doorbidaysa xorriyad iyo in ay hesho meel aan cid kale la joogin. Jannadaba cid kale lama joogto, balse xitaa malaa’igtan jannada buuxdhaafisay, bay ka maagaysaa. Meel wax kaste la siinayo, oo aan “maya” ba ka jirin bay diiddan tahay. Dood dheer bay Aadan la gelaysaa, si ay meeshan uga baxaan. Wax kaste oo uu ku baajin karo, isaguna waa isku deyayaa, balse way ka diidday. Nagata. Aakhirka waxa la isla qaadanayaa, in Malag Ridwaan loo tago, oo meesha naga fur la yid

Buugga: Ku Raaxayso Noloshaada

Image
Buugga: Ku Raaxayso Noloshaada Qore: Abubakar Mohammed Sannadka: 2019 Bogagga: 134 Bog  Qaybo: 6 Qaybood iyo 20 Mawduuc S/G:Amiina Mohammed “ Haddii aad tirisaan nimcada Alle, marna ma koobi kartaan, badnaan awgeed ” Surat Ibrahim-34 Ammaanta Akhristayaashu ka qoreen buugga Ku Raaxayso Noloshaada. “ Buuggan loogu magic daray ku raaxayso noloshaada wuxuu ka mid yahay buugaagta tirade yar eek u qoran afka soomaaliga ee uu akhriste kata ka faa’ideysan karo macluumaad muhiim ah n aka heli karo taasii siin karta naftiisa farxad iyo sida murugada looga saari lahaa, aniga Maryam ahaan, saacidihii yaraa ee aan akhrinaayey buuggan waxaan dareemay in aad iyo aad ugu raaxaysamaayo …” Dr. Mariam Qaasim BUUGGA Miyaad Faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay,nolosha aad dhab ahaan u rabtay in aad ku noolaato? Su’aalahan waa kuwo ka mid ibo-furayaasha uu qoraagu ku bilaabayo buuggiisa Ku Raaxayso Noloshaada. Intaa ka dib wuxuu ku leeyahay akhristayaashiisa Haddaba kaalay oo ila fuu

Buugga: Jannadoon

Image
Buugga: Jannadoon  Qore: Khadar Cabdi Cabdillaahi Sannadka: 2019 Bogagga: 390 Bog  Qaybo: 60 Qaybood S/G: Amiina Mohammed HORDHAC Buuggan waa buug ka mid ah buugaagta af-soomaliga ku qoran ee soo baxday sannadkan aan ku jirno ee 2019-ka, kaas oo u qoran qaabka sheeko-faneedka loo yaqaan siiba qaybaha ama xalqadaha ku tacalluqda. Waa 60 qaybood ama xalqadood oo mid ba mid kale ku xiran tahay mise na sida oo kale isku xidhaya xalqadda/qaybta 1’aad illa ta u dambaysa ee 60’aad. Waa buuggii ugu horreeyey ee af-soomali ku qoran ee tusaale-guud ka bixiya khalad-fahamka inta badan ku yimaada firqadaha kala duwan ee diinta ku abtirisada, sida oo kale ka sheekaynaya xaaladda dhabta ee kooxaha diinta ku adeegta mise na moodaya in dadka oo la qarxiyo ama la gummaado in jannadu ku hoos jirto. Sida si la mid ah buuggan waxa u tusaale ka siinaya akhristayaasha sida fudud ee qofka aan cilmi u lahayn diinta mise na aan caqligiisa kaashan loo duufsan karo isaga/yada oo lagu harawsanaayo in sidan

Buugga: Xabag Barsheed

Image
Buugga: Xabag Barsheed Qore: Cali Sh, Maxamed Cabdi (Cali Ileeye) Sannadka: 2018 Bogagga: 292 Bog Qaybo: 7 qaybood, 8 Mawduuc iyo 124 Cashar S/G: Amiina Mohammed BUUGGA XABAG BARSHEED, waa buug aad uga warramaya, midaynta iyo midhiftirka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay hore wax uga qoreen Labada aqoonyahan ee AHN, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyo Bare sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”. Waxa qalinkiisa u qaatay macallin aad u da’ yar aadna ugu xeel dheer luuqadda Af-soomaaliga siiba marka loo yimaado dhanka maansada. Waxa uu ku furayaa qoraagu bisinka iyo maamuus uu buugga ku maamusay labada aqoonyahan AHN oo aad isugu howlay inay soo gaadhsiiyaan bulshada soomaaliyeed, quruxda iyo Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, ka dib waxa uu mahad-naq balaadhan siinaya ilaahay iyo guud ahaan dadka faraha badan ee buugga tageeray si uu u soo gaadho gacanta akhristayaal badan oo soomaaliyeed. Waxa xusid mudan in Rashiid Sh. Cabdillaahi X. Axmed “Rashiid Gadhweyne” uu

Buugga: Can Love Happen Twice

Image
Buugga: Can Love Happen Twice Qoraaga: Ravinder Singh Bogagga: 224 Bog S/G: Amiina Mohammed Hordhac Waxaan sugey waqti dheer si aan u ogaado waxa ku dhacay Ravin, iyo macnaha ka dambeeya magaca buugga “Can Love Happen Twice” Laakiin waa markii u horreysay ee buuggii aan akhriyey uu i dareensiisay in qoraaga uu u qoray buugga sababta oo ah waxa qasab ku ahayd in uu qoro buugga. Halkii aan ka sugi lahaa "maxaa xigay?", runtii, waxa aan sugayey uun in aan soo afjaro ama gebagabeeyo buugga. Markii aan akhrinaayey, waxay ahayd in qisada buuggu ay iga dhigto sidii oo aan arkaayo waxa dhacaya iyo sida ay sheekadu u socoto maadama oo ay tahay “Love story”, laakiin may noqon. 4 cisho ayey igu qaadatay in aan akhriyo buuggan! Dhab ahaantii na, inta la akhrinaayo, waxaad dareemeysaa in Ravin uu yahay nin iska dhiman doono ka hor inta uusan dhaawicmin ama uusan luminin Khushi. “Can Love Happen Twice”, sheekada uu ka sheekanayo waa mid iska caadi ah. Rayi ahaan, keliya akhri haddii aad r