Buugga: Women around the messenger

Women around the messenger
S/G: Amiina Mohammed

Buugga Women around the messenger, oo carabi ahaanna ku ah نساء حول رسول الله. Waxa qorey Muxammed Cali Qutb, waxaana afka ingiriisiga ku turjumay Abdu-Rafic Adewele Imam. Wuxuu buuggani ka kooban yahay 351 bog iyo afar qaybood oo is dul taagayaa guud ahaan dumarkii ka ag dhowaa noloshii Rasuulkeenna عليه الفضل الصلآة والسلآم oo ay ka mid yihiin:

1. Afartii hooyo ee rasuulka oo kala ah, Amina Bint Wahab maamadii rasuulka, Xalimah As-Sacdiyah, Barakah al-habashiyah iyo Fatima Bint Asad oo dhammaantood ba ah maamooyinkii naas-nuujinta rasuulka ka qayb qaatay.
2. Xaasaskii rasuulka oo ahaa 11 xaas. Buuggu waxa uu mid kasta kaga warramayaa tariikhdeedi oo kooban iyo doorkii ugu muhiimsanaa ee ay ka qaadatay bulshadii ay markaa la noolayd iyo islaamka ba. Doorkii ay mid kasta o ka mid ah ay rasuulka iyo diinta ba ugu jirtey, iyo mid kasta oo ka mid ah meelaha ay u wanaagsanayd, taasoo keentay in talooyin wax ku ool ah rasuulka iyo asaxaabtiisu ba ay ka helaan.
3. Dumarkii noloshoodu ku xidhnayd nolosha rasuulka kuwaasoo uu si gaar ah uga war hayay, iyo doorkii ay iyaguna ka qaateen bulshada iyo guud ahaan markiska ay ka galeen faafinta diinta islaamka.
4. Hablihii rasuulkeenna عليه الافضل الصلآة والسلآم uu dhalay, ayaa ah qaybta ugu dambaysa ee buugga. Qaybtan 4tii hablood ee ilma Rasuul ba waxa uu isu dul-taagayaa mid mid, sida dhalashadoodi, korniinkoodi, guurkoodii, noloshoodii, caruurtoodii, masuuliyadahoodi, hijradii iyo doorki ay qaateen, iyo booskii ay ugu jireen Rasuulka عليه الافضل الصلآة والسلآم.
Buuggan waxa uu si hufan oo aad u cilmi sarreysa uga hadlayaa in nolosha rasuulka iyo guud ahaan korniinka diinta islaamka ayna rag keliya u soo halgamin ama u soo shaqayne, sida oo kale asaxaabtii rasuulka ay ka mid ahaayeen dumar kaalin weyn ka galay islaamka. Waxa uu sida oo kale buuggu qaada dhigaya in gabar kasta ay ka soo baxday doorkeedi oo ay u gudatay sidii ugu fiicnayd ee karti iyo yaqiin ba ahayd. Waxa kale oo uu inoo sheegayaa in gabdhahaasi ay u simeen sidi ugu caddaaladsanayd labka iyo dheddiga ba.
Waxa xusid mudan in buuggani tusaayo akhriste kasta doorka ay gabadha muslimadda ah ka ciyaari karto bulshada, waxyaabaha ay ku kordhin karto iyo masuuliyadaha ay qaadi karto. Sida oo kale waxa uu tusaale cad oo qurux badan u yahay gabar kasta oo muslimad ah taasoo ka heli karta dhiirrigelin iyo dumar hormuud u noqda oo hortood nolosha islaamka wax soo gashaday.
Akhis wacan.


Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Xabag Barsheed