Buugga: Maalinkii u dambeeyey Jannada
Maalinkii u dambeeyey Jannada
-----------------------------------------------------------------
Waa wada sheekaysi dhex maraya hooyo Xaawa iyo aabbo Aadan. Waa allifaad khiyaal ah, oo aan run ahayn. Waxa qoray, Cali Amiin Yuusuf oo u dhashay dalka Masar. Waxa soo rogay, oo afkeenna kusoo hodmiyay, saaxiibkay
Waa hooyo Xaawa oo ku caajistay, jannada iyo nimcooyinka eebbe ugu deeqay, kana doorbidaysa xorriyad iyo in ay hesho meel aan cid kale la joogin. Jannadaba cid kale lama joogto, balse xitaa malaa’igtan jannada buuxdhaafisay, bay ka maagaysaa. Meel wax kaste la siinayo, oo aan “maya” ba ka jirin bay diiddan tahay. Dood dheer bay Aadan la gelaysaa, si ay meeshan uga baxaan. Wax kaste oo uu ku baajin karo, isaguna waa isku deyayaa, balse way ka diidday. Nagata.
Aakhirka waxa la isla qaadanayaa, in Malag Ridwaan loo tago, oo meesha naga fur la yidhaahdo, waannu iskaga baxaynaaye. Balse, Xaawa ayaa ka walaacaysa Ridwaan, oo ay ku tuhuntay in uu caqabado hordhigi doono, wax aannay doorbidaysaa in malag Jibriil ka naxariis badan yahay, oo isagu markiiba ka furi doono. Sidii bay yeelleen. Jibriil se wax uu ku xidhay, warqadda oggolaanshaha bixista in Ridwaan bixiyo. Ilaa taas la helana aan bixis jirin.
Sheekadu way dheer tahay, balse aakhirkii la soo bax. Markii la soo baxayay, ee buuggii soo bixista la buuxbuuxinayay, waxa Aadan qortay, magaciisa iyo da’diisa oo 36 jir ah. Balse Xaawa, wax ay sheegatay, 12 jir. Kadib Aadan baa yaabay! Malaa’igta been looma sheego, ayuu yidhi. Markaasay lee dahay, weliba 11 iyo badh baan ahay! La ga soo gudub. Jannadii waxa ka soo kaxeeyay, malaa’ig uu hoggaaminayo Casraa’iil. Dhulka marka sidaas cagaha loo dhigo, ayay Xaawa odhanaysaa, waa maxay meeshan madoobi?
Miyaa la inna soo shirqoolay. Waxa ay Aadan ku canaananaysaa in fikraddiisii kasoo bixista jannadu aannay sax ahayn. In uu malaa’igtii la hadlo, oo meeshan meel dhaanta dib u wayddiiyo! Balse wax uu u sheegayaa in iyadu ahayd tii rabtay sidan. Xaasha. Oo yaa Xaawa ka dhaadhicinaya taas. Adiga ayaa caqliga lahaa bay taagan tahay, aniguna carrabka uun baan ka idhi!
Dhulkii oo cidlo iyo dhaxan ah ayay nolol cusub ka bilaabayaan. Dhunkasho iyo jacayl bay ku diirinayaan. Hoy bay samaysanayaan. Dab buu Aadan labo dhagax dhexdood ka samaynayaa. Cunto ayay ka dhalinayaan xabaddii tufaaxa ahayd ee ay jannada ka la soo baxeen. Sidaas bay ku jirayaan, ilaa ilmihii koobaad ugu dhalanayo.
Buugga nuxurkiisu waa kala duwanaanta labada jinsi ee ragga iyo dumarka. Waxa kale oo ka buuxa falsafado badan oo nolosha iyo qaab fikirka ku saabsan. Waana taariikh qaabkii noloshu u soo bilaabantay. Waad yaabaysaa, sida farshaxannimada leh ee loo qoray. Xaawa sida ay u tahay, makhluuq dumar ah oo si dhab ah u metelaysa doorkaas shariifka ah. Iyo sida Aadan kaalintiisa u buuxinayo! Waa mar qosol ah iyo mar aad hoosta ka odhanaysid “istaaqfurulah”, intaad waxanba run mooddid!
Comments
Post a Comment