Buugga: Jannadoon
Qore: Khadar Cabdi Cabdillaahi
Sannadka: 2019
Bogagga: 390 Bog
Qaybo: 60 Qaybood
HORDHAC
Buuggan waa buug ka mid ah buugaagta af-soomaliga ku
qoran ee soo baxday sannadkan aan ku jirno ee 2019-ka, kaas oo u qoran qaabka
sheeko-faneedka loo yaqaan siiba qaybaha ama xalqadaha ku tacalluqda. Waa 60
qaybood ama xalqadood oo mid ba mid kale ku xiran tahay mise na sida oo kale
isku xidhaya xalqadda/qaybta 1’aad illa ta u dambaysa ee 60’aad. Waa buuggii
ugu horreeyey ee af-soomali ku qoran ee tusaale-guud ka bixiya khalad-fahamka
inta badan ku yimaada firqadaha kala duwan ee diinta ku abtirisada, sida oo
kale ka sheekaynaya xaaladda dhabta ee kooxaha diinta ku adeegta mise na
moodaya in dadka oo la qarxiyo ama la gummaado in jannadu ku hoos jirto. Sida
si la mid ah buuggan waxa u tusaale ka siinaya akhristayaasha sida fudud ee
qofka aan cilmi u lahayn diinta mise na aan caqligiisa kaashan loo duufsan karo
isaga/yada oo lagu harawsanaayo in sidan jannada iyo liibaanta adduun ku jirto.
ARAGATIDA
BUUGGA!
Run ahaantii qof kasta oo hore ula socday buuggan
xaysiiskiisi hore ee lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxa uu
markaaba aragtida kowaad caqliga qofka
gelinaayey su’aal ah maxay tahay macnaha ka dambeeyo ereyga Jannadoon, waan
xasuustaa ka akhriste ahaan buuggan xayasiisyadii ugu horreeyey waxa uu cinwaan
ahaan ahaa “Jannadoon iyo Jidkii Cadaabka” kaas oo ka dib aragtida
akhristayaasha loo beddelay magacan uu hadda buugu ku soo baxay oo ah
“Jannadoon”
Jannadoon midabkiisu waa caddaan waa sida uu u badan yahay jaldigiisu’e, waxa ku sawiran nin wadaad ah oo cumaamad ku xiran madaxa, qori AK47 ah na degta ku sita oo dib u eegaya uurada qarax ka dhacay mid ka mid ah goobaha uu ku sugnaa. Waa halkan, halka ay ka bilaabmayso qisada farshaxamaysan ee uu qoraagu u holladaay curinteeda 4 tii sanno ee ugu dambeeyey. Waa sheeko-faneed aad u qurux badan, aad u tariikh badan, aad u mucjisooyin badan, aad ka dareemayso isbeddelada nololeed ee ku imaaday actor ka sheeko-faneeddan, oo ka bilaabaysa Miyi soconaysa na illa Muqdisho.
Waa
sheeko-faneed aad u waayo badan oo akhriste kasta u gogol-xaadhaysa waaqiciga
dhabta ah ee ka dambeeya qolooyin badan oo hadda soomaalida ku dhex jirta mise
na aad ugu adeegata diinta islaamka, dhalinyarada na ku harowsata in ay
qarxinta ummada islaamka ah janno lagu gelaayo. Waa sheeko-faneed xaalado
badan, qosol, cibaaro, murugo, oohin, iyo guud ahaan dareemo badan isugu jirta.
Waa sheeko faneed carinaysa maanka akhristeha mise na wax badan u sheegaysa,
taas oo keenaysa In qofku in badan is weydiiyo jaahilnimada diinta laga qaado
sidan oo dhan qof ma u lumen kartaa. Dabcan haa wey lumen kartaa, oo waa ta
actor ka sheekadan hoggaanka u hayaba lumisay!
Waa sheeko-faneed run ahaantii tusaysa
akhristayaasha, in qof yar oo beri ah mise na aan dambi-badan lahayn uu u noqon
karo mid laga acuudu billaysto oo shaydaan ah, dilaa ah oo aan naxariis iyo
qalbi wax is weydiiba aan lahayn. Waa sheeko-faneed haddii la isku dayo in
muuqaal ahaan loo beddelo runtii sahlan tahay in la akhriyo ka dib na jilniin
laga sameeyo. Weyna fiicnaan laahyd middaas si wacyiga dhalinyaro badan kor ugu
qaado. Run ahaantii waa sheeko-faneed aad u xiiso badan oo turjumaysa waaqicig
dhabta ah ee maanta ay ku sugan tahay magaalo-madaxda waddanka Somalia ee
muqdisho.
GEBAGEBO
Si guud buuggu waxa uu dul istaagayaa sheeko-faneedkaa ka kooban 60-ka xalqadood ama
qaybood oo mid mid sharrax kooban iyo ujeedada guud ee qaybta la isu dultaagayo.
Qorista buuggan uu qoraagu hadyad ahaan innagu siiyey waxa ay tahay iftiimin
mudan in uu qaato akhriste kasta, si uu wax badan uga ogaado khataraha iyo
waxyaalaha khaldan ee keeni kara cadaab iyo ciqaab la moodayo in lagu helaayo
janno.
Ugu dambayn, diinteenna suuban waa diinta ugu naxariista badan, uguna fadliga badan diimaha saamaawiga ah ee uu Rabbi SWT soo dejiyey. Waa diin u naxariista muslimka, gaalka, xoolaha, iyo wax kasta oo noole ah, waana diin sahlan oo barashadeedu koobsanayso wax kasta oo wanaagsan oo qofka ka farxin kara. Marna maaha in aan moodno in ku dhaqanka khaldan ee maanta bani’adam badan muujinayaan in ay tilmaamayso diinteenna, waana daruuri in qof kasta oo innaga mid ah uu barto, baadho, fahmo oo uu mar kasta ka qaato inta isaga iyo naftiisa anfacaysa ee uu ku dareemi karo raaxo iyo raalli’ahaansho.
Aan ogaanno in rabbi wax kasta sahlay, aan ogaanno in rabbi
SWT uu wax kasta uu dhigay waxyaalo loo eegaayo intan xadka lagu oogin qofna,
waana muhiim in qof kasta oo dhalinyar ah aqoon u yeeshto diinteenna suubban oo
maanta meel kasta laga helaayo, wax badan oo fududeeeyaana ay jirto. Waa tan
farriinta guud ee aan kala baxay Buugga Jannadoon intii aan akhrinaayey!.
Isku day in aad akhrido buuggan, oo aad fahamto
farriinta ka dambaysa, marar badan way qurux badan tahay in si sheeko ahaan ah
farriinta la innoogu dhigo si fahmadeennu u fududaato. Akhriste ahaanna waxaan
ku odhan lahaa buug kasta oo aad akhrido English, Arabic ama Somali ka uu doono
ha ahaadee isku day in aad fahamto ujeedada ka dambaysa iyo sababta buuggan
qoraaga qoray uu wakhti badan u geliyey. Ogow na wakhtigu waxa uu ka muhiimasan
yahay wax kasta oo dunida yaal. Taas baana mudan in aan ku ixtiraamno qoraa
kasta oo isku howlay in uu buug inoo soo saaro.
MAHADSANED
Comments
Post a Comment