Buugga: Ku Raaxayso Noloshaada
Qore: Abubakar Mohammed
Sannadka: 2019
Bogagga: 134 Bog
Qaybo: 6 Qaybood iyo 20 Mawduuc
“Haddii aad tirisaan nimcada Alle, marna ma koobi kartaan, badnaan awgeed” Surat Ibrahim-34
Ammaanta Akhristayaashu ka qoreen buugga Ku Raaxayso Noloshaada.
“Buuggan loogu magic daray ku raaxayso noloshaada wuxuu ka mid yahay buugaagta tirade yar eek u qoran afka soomaaliga ee uu akhriste kata ka faa’ideysan karo macluumaad muhiim ah n aka heli karo taasii siin karta naftiisa farxad iyo sida murugada looga saari lahaa, aniga Maryam ahaan, saacidihii yaraa ee aan akhrinaayey buuggan waxaan dareemay in aad iyo aad ugu raaxaysamaayo…” Dr. Mariam Qaasim
BUUGGA
Miyaad Faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku
nooshahay,nolosha aad dhab ahaan u rabtay in aad ku noolaato? Su’aalahan waa
kuwo ka mid ibo-furayaasha uu qoraagu ku bilaabayo buuggiisa Ku Raaxayso
Noloshaada. Intaa ka dib wuxuu ku leeyahay akhristayaashiisa Haddaba kaalay oo
ila fuul doonta “Ku Raaxayso Noloshaada”, doontaas oo kaa qaadi doonta halka
aad maanta taagan tahay, kuna geyn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay
naftaadu raalli ku tahay. Waxaan aad ugu faraxsan nahay oo aan kugu
hambalyeynayaa in aad gacanta ku hayso buugga “Ku Raaxayso Noloshaada” oo ah
buug aad ka helayso farxad, ku raaxasiga nolosha, macaanka iyo degenaanshaha
nolosha. Waxa hubaal ah in dad badan maanta adduunka ka raadinayaan farxad,
degenaansho iyo ku raaxaysiga nolosha. Waxaa haysta kadeed, murugo, welwel,
xanaaq joogto ah, jaahwareer, in badan waxay taagan yihiin quus iyo rejo la’aan.
Buuggan aad hadda gacanta ku haysatid wuxuu kuu soo
bandhigi doonaa tallaabo kasta oo aad u baahan tahay in aad qaaddo, si aad u
hesho raaxada nolosha, dhanka ruuxda, maskaxda, qalbiga, jirka iyo dadka ba.
Waxaanad ku baran doontaa sida loo nooleeyo rejadaada marka ay noloshaadu mugdi
gasho!
Buuggan kuuma sheegi karo oo keliya sida lagu gaaro
raaxada nolosha, balse wuxuu kuu sheegi doonaa tallaabooyin “Practical” ah iyo
talooyin waxtar leh oo aad ku dabbaqi karto noloshaada. Dhammaan waxa ku qoran buuggan ma aha mid ku dhisan
qof fikirkiisa, balse wuxuu ka kooban yahay waxyaabaha saldhig “tiir” u ah
farxadda.
Buuggaan wuxuu ku dareensiin doonaa raaxada nolosha dhabta ah halka laga dhadhamiyo, waxaadna ka heli doontaa dhiirrigelin aad u badan oo dhammaan beddeli doonta qaabka aad u aragtid farxadda, wuxuuna ku tusi doona in aad tahay qofka ugu farxdda badan adduunka, balse aan isu ogeen. Marka aad akhtinayso buuggan waxaad noqon doontaa qof aan la jooji karin illa uu ku noolaado maalin walba farxad,
SABABTA BUUGA LOO QORAY!
Wuxuu yidhi qoraaga buuggu, markii ay I soo waceen
dad badan oo wiilal iyo gabdho ba leh oo I dhahaaya “Noloshan waan nacay waxba
kuma haysto, jacayl ma haysto, cabsidaa igu badan, xanaaqa sanka ayuu ii saran
yahay, dhibaato weyn ayaa I haysata” qaar kale na dhahayaan “Abubakaroow maalin
walba oo aan isku dayo in aan dhoollacadeeyo, murugta ayaa iga awood badata
waanan ilmeeyaa” waxaan la kulmay dad malqabeenno ah iyo ganacsato oo I dhahaya
“Sideen ku heli karnaa raaxada iyo degenaanshaha qalbiga”.
Markaas ka dib, waxaan arkay in baahi bulsho ah ay
jirto loona baahan yahay in la qoro buug tallaabo tallaabo qofka ugu sheegi
kara sida uu ugu noolaan lahaa nolol wanaagsan oo raaxo badan, una illoobi
lahaa dhammaan muugta iyo welwelka haya. Waxaana I sii dhiirrigeliyey xadiiska
nebigeenna CSW uu leeyahay “Dadka allah wuxuu ugu jecel yahay kuwooda dadka
waxtara, camal la qabtona waxa ugu fadli badan in farxad la geliyo qalbiga qof
muumin ah.
Buuggan waxa uu ka kooban yahay 6-qaybood oo kala ah
sidatan
Qaybta 1’aad: Ha Murugoon: “Habeen kasta oo mugdi ah waxa ka dambeeya maalin iftiin badan, culays kasta na waxa ka dambeeya waa fudeed”
Lagama yaabo in uu qofku noqdo mid ku raaxaysta
noloshiisa haddii uu murug dareemayo, sababta oo ah 2-dareen hal mar ma
kulmaan; sow maaha! dareen farxad iyo dareen murug. Qoraagu wuxuu dhahay,
waxaan marka ugu horreysa ku bilaabi doona safarkeenna quruxda badan ee ku
raaxaysiga noosha, in aan daawo u helno murugada aan dareemayno. Waxaanan
qaybtan qoraagu ku soo bandhigayaa casharrada ay ka midka yihiin:
·
Sida aad
maskaxdaada uga masaxi laheed maalmo mugdi ah oo aad soo martey, uguna diyaarin
lahayd maalmo nuur badan.
·
Muhiimadda ay
leedahay in aad la noolaatid xaaladda Hadda
·
Sida aad u qeexi
(Fahmi) laheed dhibaatada ku haysata
·
Sida aad ku
ogaaan laheed asal ahaan halka ay ka imaatey dhibaatada
·
Waxyaabaha aad
ku xallin karto dhibaatada
·
Ducooyin
iftiiminaaya noloshaada.
·
Alle waxa uu kuu
abuuray farxad.
Qaybta 2’aad: Raaxada Ruuxda: Malik Ibnu Diinaar wuxuu dhahay “Waa masaakiin ahlu dunyaa, waxay ka tageen adduunka iyaga oo aanan dhadhamin waxa ugu macaan dunida” Waxaa la weydiiyey waa maxay waxa ugu macaan adduunka, markaas ayuu dhahay “Waa garashada Alle iyo jacaylkiisa”
Wuxuu dhahay qoraagu, marka aan raadinayay waxa ay
ku raaxaysato ruuxdu ayaa waxaan ogaadey midka keliya ee ii sheegi kara
jawaabtaas in uu yahay midka abuurey ruuxda iyo dadka oo dhan, ALLAH! Ka dib
waxaan ka baaray Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulkeenna CSW, waxaanan ogaaday in
ruuxda aysan raaxaysanayn illa ay u dhowaato midka abuurey oo ALLAH SWT ah.
Waxaana lagu baranayaa qaybtan casharradan:
·
Macaanka uu
leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas
·
Raaxada saaladda
laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd tukashada salaaadda
·
Degenaanshaha
qalbiga halka laga helo
Qaybta 3’aad: Raaxada Maskaxda: “Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa hadba sida aad u fikireyso. Xaaladeenna nololeed waxa abuurey waa sida aan u fikireyno”
Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama
murugo ku dareensiin kara waa hadba sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu
raaxaysan weydey noloshaada na waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u
isticmaalayso maskaxdaada. Haddaba qaybtan waxa ay si dhab ah kaaga caawin
doontaa casharradan hoos ku taxan:
·
Sida loo ogaado
waxa si dhab ah kuu farxad geliya
·
Sida aad u
qaadan laheed masuuliyadda naftaada
·
Sida ugu fiican
ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad ka
leedahaya noloshaada
·
Sida aad ugu raaxaysan
laheed inta yar ee aad haysato
·
Sida aad ku
ogolaan laheed noloshaada
·
Sida loo noqdo
mid mar walba alle u mahadceliya
·
Sida wax walba
dhinac wanaagsan looga fiiriyo
·
Sida looga
fogaado is-barbardhigga
·
Sida aad u ahaan
laheed qofka adiga aad tahay, una joojin laheed saamaynta hadallada dadka.
Qaybta 4’aad: Raaxada Qalbiga: “Waan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aanan rabin in aan arago, lakiin kama xiran xarno qalbigeenna waxyaabaha aanan rabin in aan dareenno”
Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu
helo jacayl joogto ah….Jacaylku waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma
aadan arag mar walba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wejigaaga wax aka
muuqda farxad iyo dhoollacaddayn badan. Haddaba waxaan qaybtan ku arki doontaa
akhriste ahaan casharradan:
·
Sida jacayl
qurux badan loo dhiso
·
Sida jacaylkaas
quruxda badan loogu noolaado
·
Sida loo doorto
lammanaha mustaqbalka
·
Qofka sida
dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto
·
Bangiga jacaylku
waa maxay
·
Sida nebiga CSW
ula dhaqmi jirey xaasaskiisii
· Qalbiga sida loo nadiifiyo
Qaybta 5’aad: Raaxada Jirka: “Nafsadaada nar walba xaq ayay kugu leedahay”
Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u
weyn ayay ku leedahay ku raaxaysiga noloshaada. Nebiga CSW wuxuu inoo tilmaamay
in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Haddaba qaybtan waxay si dhan ah
akhristayaasha uga caawin doontaa waxyaabahan:
·
Sida aad u daryeeli laheed caafimaadkaaga
·
Sida aad ku heli laheed dhammaan maadooyinka jirka u baahan yahay
·
Sida aad u ilaalin laheed nadaafadda jirkaaga
·
In aad maalin walba sameesid jimicsi fudud
·
In aad heshid hurdo kugu filan iyo daawada hurdo la’aanta
·
In aad aadid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa’idooyinka uu
leeyahay safarku
Qaybta 6’aad: Ka farxi dadka: “Qofka noloshiisy waxay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinaayo nolosha dadka! Jacayl, farxad, saaxiibtinnimo iyo kalsooni”
In aad xiriir fiican la samaysid
bulshada oo qalbigooda soo jiidatid kana farxisid ayaa ah waddada ugu wanaagsan
ee loo maro ku raaxaysiga nolosha. Haddaba qaybtan waxaad si dhab ah ku baran
doontaa kaana caawin doonaa waxyaabahan:
·
Sida aad farxad ugu abuuri laheed qalbiyada dadka kale
·
Sida aad u beddeli laheed dabeecadaha aan wanaagsaneen
·
Sida hadalkaaga aad ugu dari laheed malab si dadka ad ugu soo jiidatid
·
Wadada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wejiga
· Sida aad ku noqon laheed qof dadka oo dhan ay jecel yihiin “Haddii aad jeceshahay in aad mar walba faraxsanaato oo noloshaada ku qaadato farxad, waxaad heshay fursaddii ugu weyneed. Akhri buuggan oo baro halka laga helo raaxada nolosha”
ARAGTIDA BUUGGA
Buugga Ku Raaxayso
Noloshaada, waa buug aad u qiimo badan oo runtii casharrada ku
duugan mid kasta faa’iido iyo maskax dhis labada ba u tahay akhristeha akhriya.
Waa buug aad u maan-furan oo luuqadda ku qoranna ay tahay mid aad u fudud oo
qofka u fududeenaysa in uu fahmo. Waa buug in badan aad ku arkayso in uu ka
duulaayo farriimaha kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Rasuulka CSW.
Waa buug aad ka dhex arkayso iftiin badan oo qofka siinaya dhiirrigelin uu ku
dhiirrado ku noolaanshaha farxad maalin kasta oo cimrigiisa ah. Waa buug aad u
xallad badan oo aad u xiise badan, qof kasta oo akhriyana siinaya tamar uu ku
dhammaystiro.
Runtii dhiirrigelintu waa midda ugu
habboon ee qof kasta oo dunida jooga siisa tamar uu ku dhaqaaqo, taas oo ka
duulinaysa caajiska, iyo niyad-jabka, taas baa Alle SWT u quraankiisa ugu
sheegay aayadda ah “Ha ka quusanina raxmadda ilaahay” oo ah wax kasta oo
dhibaato dhaca in aanu qofka muslimka ah ka quusan naxariista iyo raxmadda
Rabbi SWT.
Sida aan wada ognahay, Alle SWT
magacyadiisa waxa ka mid ah “Al-qafuur” oo macnaheedu yahay “Midka
dambi-dhaafaha badan” iyo “At-tawaab” oo ah “Midka toobadda aqbala”. Dambi
kasta oo aan galno Alle SWT waxa uu noo sheegay in uu yahay dambi-dhaafe badane
iyo midka toobadda aqbala, si aan u xasuusnaano kitaabka Qur’aanka safxad kasta
oo ka mid ah Alle SWT uu ku xasuusiyaa Dadkiisa. Haddaba buuggu isagoo taas ka
duulaya ayaa uu hal-ku dheg ahaan u qaatay kelmadda ah “Ogow habeen
kasta oo mugdi badan waxa ka dambeeya maalin iftiin badan. Culays kasta na waxa
ka dambeeya waa fudeed”. Halkan waxaad ku xasuusanaysaa aayadda uu alle 2 jeer ku
celiyey ee ah “إن مع العسر يسرا”
Isku soo wada duub, buuggani waa buug faa’iido badan leh, oo ay nasiib u heleen dadka soomaaliyeed, waana guul in aan maanta aragno dhalinyar uga faa’idaynaya cilmigooda dadkooda, mise na dhaxal-gal u reebaya. Sida oo kale, waa daruuri in aan dadkeenna sidaa ah garab istaagno, intaan iska dhaafno xinka iyo xasadka aan qofkeenna waxtar keena la garab istaagno illa uu ka niyad-jabo, taas nooma fiicna waana in aan beddelno.
GEBAGEBO
Shakhsi ahaan waxaan ku odhan lahaa, buuggan iyo kuwo kale oo la hal-maala ba wey istaahilaan in aad akhrido oo aad ka hesho macluumaad ku anfaca. Waana muhiim si garaadkaagu u kobco intaad ska dhaafto dhaliisha oo aad maankaaga ku quudiso buug kasta oo aad is leedahay noloshaada iyo naftaada waa u faa’iido. Isku day in aad ka fekerto naftaada horumarkeeda markaas ayaad horumarin doontaa nafaha kale ee kugu gedaaman. Runtiina markaad naftaada wanaagga iyo waxbarashada ku hogaamiso, waa marka aad dadka kale na tilmaami karto. Bar naftaada in aad ka faa’idaysato wax kasta oo aad is leedahay faa’iido ayaa ku jirta haba yaraatee. Dhaliilaha taban waxba ma taraan in ay dib noo dhigaan mooyee. Taas baa muhiim ah in aan kala baxno buug kasta akhriskiisa.
“Inta maanku gaajaysan yahay Guuli waa weli”
AKHRIS WANAAGSAN
MAHADSANED
Comments
Post a Comment