Buugga: Move Fast and Break Things
Qore: Jonathan Taplin
Bogagga: 309
Buugga la yidhaahdo Move Fast And Break Things ee uu qoray
Jonathan Taplin waxa uu ka koobanyahay 309 baal iyo 12 cutub,soona baxay 2017.
Waxa uu badi ka waramayaa siyaalaha dhibka yar ee tiknoolajiyaddu ay u afduubatay aadaminamdii(Humanity), Obama ayaa laga hayaa in reer galbeed noqday duur joog"a wild west" isagoo ku sheegaya in tiknoolajiyadii dhalan gediday, 44% ila wareedka dadka reer Maraykan waa Facebookga, qoraaga ayaana xusaya in Privacy-gii lumay, Software-kii ayaa dunidii cunaya oo shaqooyinkiina soo fara geliyay, $1 bilyan ayuu facebook-gu ka nuugay jaraaidada oo xayaysiis ku heli jiray 2016-kii. Google ayuu qoraagu sheegayaa in mudadii 2003-2015 ay xoogsadeen adduun dhan $1.5 Billion illaa $74 Billion.
Warbaahinta ugu weyn dunida waxaa noqday Google, waxa ugu badan ee dadku ay ka baadhaan ayaa noqotay madadaalo, 2006-dii sharikado kale ayaa dunida hogaaminayay waxaana kaalinta koowaad ku jirtay Exxonmobil oo soo saarista saliidda caan ku ah, halka 2016-kii ay gashay kaalinta 6aad , Google iyo Facebook ayaa dunida dacaladiisa ku leh hal bilyan oo macmiil halka Amazon uu leeyahay 350 milyan oo macmiil, kuwa heesaha sameeya ayaa inta badan lagu lacag siiyaa hadba inta jeer ee la dhegaystay inta meheradood ee laga daaray iwm, maalin kasta afar boqol oo saacadood video ah ayaa lagu upload gareeyaa youtube-ka.
Waxa ugu badan ee lagu canaananayo warbaahinta bulshada ayaa ah inay si laxaadle u abuureen monopoly oo aanay doonahayn in ay cid kale macaashto, isla markaasna waxay ku milmeen hay'adihii dawladda gaar ahaan; aqalka cad waxaa u camal doonta dad la shaqayn jiray Google halka dad dawladda u shaqayn jirayna ay u camal doontaan Google, sharciyada ayay saamayn ku yeeshaan waxaanay inta badan ka qayb qaataan inay soo saartaan madaxweyne iyaga la jaal ah oo aan intooda yar ka kala tuurin, halkaas inaga malaha waxaa ku jiri karta wasaaradda macdanta?.
Marc Zuckerberg ayuu qoraagu xusayaa in lacag badani soo gashay isagoo da' yar sidaas daraadeed ay kala koreen lacagtiisa iyo garaadkiisu, waxaanu u haystaa privacyguba inaanu wax weyn ahayn waxaanay sheegayaan in saddex mas'uuliyadood saaranyihiin:
1. Arimaha hoose ee banii aadamka(Privacy).
2. Xayaysiiska iyo waxa uu xayaysiinayo.
3. Iyo mustaqbalka is gaadhsiinta.
ninkaas ayay sheegayaan in saddex wax u saamaxeen in halkaas gaadho:
1. Simplicity of design
2. Releasing the service to elites.
3. Facebook team grasped inherent utitiliy.
Shirkadda Google ayaa la ganaaxay $500 million xayaysiis ay dawo aan sharci ahayn u samaysay awgeed, qoraagu waxa uu sheegayaa in isticmaalka xadhkaha goostay ee Facebookga ay horseed u tahay saddex amuurood:
1. Xog raadis
2. Madadaalo
3. Waqti lumis
4. Is muujin(Self-Expression).
Isticmaalka Social Media-ha ayaa keenay in saxaafadii meesha ka baxdo isla jeerkaasna ay dadkii ku abuurto inay camal tirto, waxaanay saamayn ku yeelatay saacadaha shaqada sida waddanka Sweden oo 6 saacadood ku soo koobay, maalintii 150 jeer ayaynu digo-xaadhka jeeg garaynaa oo u dhiganta 6.4 minutes oo kastaba, tiknoolajiyadda ayaa la aaminsanyahay in ay meesha ka saarayso isu naxariisashadii aadamaha dhexdooda iyadoo sababtay in caajis ku dhaco.
inahaas iyo in kale oo badan waxay dhex yuururtaa buuggaas kor ku xusan.
Wasalaam
Comments
Post a Comment