Buugga: Leaders Eat Last
Qore: Simon Sinek
Bogagga: 350
Hordhac
Leaders Eat Last.. waa buug uu qoray qoraagga Simon Sinek oo ah qoraa buugaag kalena leh buuggani waxa uu ka koobanyahay 350 baal, 8 qaybood iyo 27 cutub waxaanu soo baxay sannaddii 2017-ka.
Buugani waxa uu si weyn u qaadaa dhigayaa in hogaamiyayaashu
inta badan ay ugu dambeeyaan wixii dheef ah iyagoo iska horaysiiya cidda iyaga
ka hoosaysa (Subordinates).
Waxaa uu qoraagu sheegayaa in ciidamada ka hawlgala badaha ay
inta badan hor fuliyaan kuwa iyaga ku cusub halka ay dambe cunaan kuwa seniorka
ah. Waxaa uu xusayaa nin Maraykan ahaa oo ciidan uu watay diyaaradi kula
ciladawday waddanka Afghanistan iyagoo dul maraya, Johny waxa uu sameeyay in uu
gurmad dirto, markay soo gaadheena waxa uu mid mid u badbaadiyay ciidamadii la
socday isaguna waxa uu noqday ruuxii ugu dambeeyay ee ka soo badbaaday.
Dhulalka reer galbeedka waxaa inta badan dhacda in dadka
sharikadaha maamuulaa ay kala dhaqan iyo hab-maamuus duwan yihiin waxaana jira
qaar jalaska iskuulada oo kale shaqaalaha ku kala rawixiya, qoraagu waxa uu
sheegayaa in nin goob ka shaqaynayay uu tahli kari waayay inuu fasax u helo
xaaskiisa oo macaan qabtay oo lug laga jaraayay, markuu fasax u waayay waxa isu
yimid shaqaalihii oo ugu deeqay fasaxoodii, waxa la sheegaa in tiro ku dhaw 20%
dadka reer Maraykan ay yihiin qaar shaqadooda jecel, waxaana qoraagu sheegayaa
in goobaha shaqada ay ku badan tahay in qof waliba qofka kale ee ay isku goobta
ka shaqeeyaan uu iska eegaayo, maareeyayaasha ayaana abuuri kara in ay sameeyaan
deegaan lagu wada bariiseeyo (Circle of Safety).
Daraasad ay samaysay Canberra oo Australia ku taal ayaa sheegtay
in shaqada aanu qofku jeclayn ay caafimaadkiisa wax yeelayso gaar ahaan
xanuunada wadnaha ku dhaca ayaa qofka haleela, waxa uu sheegayaa laba chemical
oo qofka bani-aadamka ah xaalado raynrayn ah geliya marka ay u qabsoonto
hawlaha uu ku fooganyahay.
Xarunta counter-terrorism ayaa xustay in 12,500- oo ruux ay
argagaxiso (Sida ay ugu yeedhaan) dileen sannadkii 2011-kii, xarunta FBI-da
maraykanka ayaa sheegtay in Maraykan gudihiisa lagu xasuuqay 165,000- oo ruux
intii u dhaxaysay 2000-2010-kii, marka loo eego 600,000- oo ruux u naf waaya
wadne xanuun iyo welibana 600,000- oo qof oo Kansar u dhinta.
5-tii bishii August 1981 ayaa madaxweynihii Maraykanka ee Reagan
uu eryay 11,000- oo shaqaalaha diyaaradaha haga ah, shaqaalahaas ayaa
codsanayay in lacagta loo kordhiyo maalmaha shaqada oo ku badana laga yareeyo,
hudheel India ku yaal oo Taj Mahel la yidhaahdo shaqaalihii hudheelka ayaa
badbaadiyay dad badan oo marti ku ahayd hudheelka ka dib markii qarax lagu
eekeeyay.
Saddam Hussein imaanshiyihiisii ayuu qoraagu sheegayaa inuu dad
sii samaytay markuu xukunka yimidna waxa uu ku rusheeyay xilal iyo adduun
lacageed, waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa CEO's fara badan oo kambaniyo waaweyn
soo maamulay iyo sida ay markasta iskugu dayi jireen in ay shaqaalahooda ka
hormariyaan naftooda, waxaana ay sheegayaan in qaabay lagu sameeyay tii
macaamiishu horayn jirtay duninadana imika sidan loo dhigay " Your main constituencies
are your employees, your customers and your products" oo micne ahaan u
dhigan shaqaalaha ayaa mudnaanta koowaad leh, waxaanay ku sii dareen "
Customers will never love a company until the employees love it".
intaas iyo ina kale oo badan buugaas ayay dhex taallaa.
Wasalaam.
Comments
Post a Comment