Buugga: How to be A Great Communicator

Buugga: How to be A Great Communicator In person, on paper and on the podiam"
Qoraaga: Nido Qubein
Duubista: OGAANSHO Channel
S/G: Amiina Mohammed

Buuggan waxa uu ka hadlayaa xidhiidhinta iyo dhinaca la hadalka dadka. Waxa qoray nin la dhaho Nido Qubein. Waxa adag in buug intan le’eg lagu soo koobo si sahlan, se waxaan is dul taagi doonnaa muhiimadda iyo ahmiyadda uu xambaarsan yahay buugga iyo qodobada ugu muhiimsan.

Buuggu wuxuu ku bilaabmayaa sidan:

La xidhiidhitaanka, iyo in aad dadka aad xidhiidhin-taqaano oo aad adeegsan karto hadalada wanaagsan, muhiimadda hadalkaaga oo cad lana fahmaayo waa waxa ugu muhiimsan ee casrigan aan noolnahay loo baahan yahay.

Buuggan waxa uu leeyahay markaan dhalanay wixii ugu horreeyey ee afkeenna ka soo baxay waxa uu ahaa hadal taas oo ah cabirid aan cabirayno jiritaankeenna. Ilmaha marka uu dhasho ee uu yaryahay ma hadlo se wadada uu adeegsado si uu dadka ula xidhiidho waa oohin. Sida haddii uu gaajaysan yahay wuu ooyaa, haddii uu xanuunsan yahay wuu ooyaa…waxa uu ku cabiro dareemadiisa ama luuqadda u adeegsado waa oohinta. Wuxuu leeyahay qoraagu inta aanan socodka baran waxaan barana la xidhiidhka dadka nagu hareersan sida adeegsiga oohinta, qosolka, hadaaqa iwm oo dhammaantood xidhiidh u ilmaha uu ku xidhiidhinaayo labadiisa waalid iyo inta ku wehelisa  guriga ba.

Waxaan buugga ka soo koobaynaa 5 qodob o muhiim ah, ahna furayaal kaa dhigaayo la xidhiidhe wanaaagsan. Waa 5 fure oo ku furaayo wadada si aad u noqoto la xidhiidhe wanaagsan.

1.   Rabitaanka!

Tusaale ahaan haddii aad leedahay ama uu kula dhashay ilmo yar oo aan hadli karayn, mise na uu ilmahaasi rabo Chocolate ama nacnac waxaad ogaaneysa in ilmahaasi uu cabbiraayo waxa uu rabo asagoo waddooyin kala duwan adeegsanaaya. Sida in uu farta ku taago oo kale. Tan waxay tahay in qodobka ugu muhiimsan ee isla xidhiidhku yahay in uu qalbigaada ka soo go’ay in aad la xidhiidho shakhsiga aad la hadlayso. Carrabku wuxuu turjumaa oo uu hadal u bedelaa waxa qalbiga ku jiro markaad qof la hadlayso waxa soo jeedsanaayo dhammaan waciyigaada iyo soo jeedkaada, xilliyada qaar markaad la hadlayso qof aan hadalkaaga rabin ama xittaa aad adiga mashquulsan tahay niyad na u hayn marna idinma dhex mari karo wada-xidhiidh kale saababtoo ah rabitaan ma jiro, dhinaacaga ama dhinaca qofka kale ba.

Markaa rabitaanka inaad samayso xidhiidh waxa uu keenayaa in aad ogaato qaababka aad dadka ula xidhiidhi karto + ogaanshaha dadka aad la xidhiidhayso.

 

2.  Fahan Arrinka!

Fahan qaddiyada iyo waxa aad ka hadlayso ba. Wuxuu leeyahay qoraagu wax aanad fahamsaneen waxa uu yahay kama hadli kartid. Haddii tusaale ahaan qof ku soo bandhigo in aad la taliso oo aad arrin kala hadasho isku day in aad fahamto marka hore oo aad si fiican u fahamto waxa uu rabo in aad kala taliso si idin dhex maro wada xidhiidh wanagsan oo midho dhal ah, natiijo fiican uu ka helo qofkaas. Haddii aad dadka kelmad ujeedinayso oo kale wuxuu ku leeyahay qoraagu waa in aad fahamsan tahay waxa aad ka hadlayso waxa ay yihiin, waa in aad soo diyaariso ugu yaraan oo aad si fiican u soo diyaarisay wax aad ka hadli karto.

School-ka markaad baranaysay, weli macalin ma kaa dalbay in aad xaliso masalo xisaabeed, ama physics ama xiisadda doonto haba ahaatee ka dib hadalka ma kaa soo bixi waayay ama ma u muuqatay qof aan waxbaba kala ogeyn. Taas ceeb aad leedahay ma aha, ama in aad tahay qof eber ah , waa in aadan fahamsaneen waxa uu kaa dalbay macallinka in aad sharraxdo. Taas macnaheedu waa in uusan qofka awoodin in uu ka hadlo waxa uuna aqoonin.  Aan ogaanno inta itaalkeen ah sidee ku noqon karnaa la xidhiidhe wanaagsan. Ee maaha la xidhiidhe keliya, macnaha in uu qofku iska hadlo oo keliya.

Dadka afatammada ah ee ka hadla meelaha mimberrada iyo kuwa khudabadaha caalamiga ah jeediya ma aha dad naga caqli badan, dabcan nagama caqli badna keliya waxay sameeyaan waxa ay ka hadlayaan ayey aad u soo daraasadeeyeen soona diyaarsadeen waxay soo urusadaan macluumaad badan oo judhi iyo dadaal ayay geliyaan. Waxa laga yaaba in qof la dhaho maalintaa heblaayo waxad leedahay khudbad ama hadal yar oo gaaban oo 5 daqiiqo ah. Qofkaas wuxuu isku dayayaa in uu diyaariyo oo uu daraasad ku sameeyo waxa uu ka hadlaayo, ku soo tababarto ka dibna u yimaado fagaaraha isaga oo aqoon u leh waxa uu oranaaayo, adiga ne markaad dhegaysato waxaad is dhahaysaa woow qofkaan waa qof heer calaami ah, se maahan ee waa qof dadaal u soo bixiyey si uu dhegaysatayaasha u soo gaadhsiiyo hadal wanaagsan.

Waa daruuri adiga in aad sidan oo kale noqoto ama u dhaqanto, in aad marka hore is weydiiso waxa aad ka hadlayso, ka dibna daraaseyso oo aad si aad adigu fahmi karto u diyaariso waxay kaa caawinaysaa in hadalkaagu uu gaaro dadkii loo baahnaa.

3.  Lahaanshaha Xirfado Macquul ah

Wuxuu leeyahay qoraagu in aad hadalkaaga dadka gaarsiiso uma baahna in aad xoogga saarto naxwaha luuqadda oo hadalkaagu uu noqdo hadal engegan, adag oo dadka ka yaabinaayo, taas macnaheedu maaha in hadalkaaga luuqadiisa aanu saxsaneen oo aad ku hadlayso hadal qaldan lakiin muhiimaddu waa in aadan xoog saarin inta badan naxwaha iyo hadalka waaweyn ee ad-adag.

Is weydi in yar dadka marka ay ku sugan yihiin khudabada jumcaha, maxay u caajisaan, u luloodaan, oo hadalka khadiibka ugu socon la’ yahay sababta wax kale maaha ee waa in khadiibka ku hadlaayo hadal aan la isticmaalin oo u badan hadal naxwe ahaan aad u dhisan, waa hadallo waaweyn oo qofka masaajidka ku jira uusan fahmaynin. Xitta kuwa carabida u dhashay ma fahmaan inta badan khadiibka hadalka uu ku hadlaayo. Hadda waxa jiro rag khadiibo ah oo fahmay oo isku daya in ay si toos ah dadka ula hadlaan oo ka soo yara degaan hadalkan waaweyn ee naxwaha u badan. Haddii aad adiga ba khadiib tahay bal isku day in aad tijaabiso oo mar isticmaasho khudbad ah hadal ay dadka dhammidood wada fahmi karaan waad dareemi doonta faqriga markaas.

Qoraagu, wuxuu leeyahay sida oo kale waa in aad taqaano farqiyada u dhexeeya cidda aad la hadlayso adiga oo adeegsanaya kelmadaha munaasibka ku ah cidda ku hor taagan. Tusaale ahaan hadii aad la hadlayso qof masuul ah oo aad kala hadlayso mawduuca uu doono haba ahaatee wuxuu isaga baahan yahay in la ixtiraamo wuxuu iska jecel yahay in la dhaho kelmado iska meeqaam sarreeya. Sida oo kale markaad la hadlayso carruur adeegso luuqad u dhow caqligooda, kelmado ay fahmi karaan iyaga. Ka waran haddii ad carruurta ula hadasho sidii dad waaweyn oo kale dabcan hubaal waxa ah idinma dhex maraayo adiga iyo caruurta hadal lagu tilmaami karo la xiidhiidh wanaagsan. Hooyooyinka waa cajiib, mar kasta waxay caruurta kula hadlaan luuqad u eg sida ay iyaga u hadlayaan, adiga waxaad u malaysaa in hooyooyinka is ciyaalaynayaan lakiin tani waa fidrad uu rabbi SWT ku abuurey hooyooyinka. Sida oo kale marka aad qoyskaada, walaalaha iyo dadka ehelkaada ah la hadlayso waa in aad ula hadasho si ka duwan dadka kale. Muhiimadda qodobkan waa in aad taqaano kelmadaha ku habboon qofka ku hor taagan haddi uu yahay masuul, waalidka, walaalaha, saxiibka ardayda ama caruurrta. Waayo qof kasta wuxuu leeyahay kelmado ku habboon.

4.  Laylis, Tababarr, Ku Celcelin

Nin wax badan sameeyey, ayaa la weydiiyey caqligaan xaggaad ka keentay, dadka maad ka caqli badan tahay, sidee guulahan ku xaqiijisay, wuxuu ku jawaabay guushan aan gaaray 99% waa dadaal, dhidid iyo ku celcelin badan oo aan sameeyey 1% soo hadhay na waa mawhibo. Wuxuu leeyahay buuggu haddi aad rabto in aad noqoto la xidhiidhe wanaagsan, hadalkiisa ay saamayn leyihiin si joogto ah u tababaro, qolkaaga dhexdiisa xittaa haddii aad keligaa tahay iska dhig in aad khudbad jeedinayso oo kale ka dib na ku celceli. Aad ayaan u fahmaynaa dhammaanteen waxa uu qoraagu ka wado laylis, ku celcelin iyo in aad naftaada tababarto, ka gun-gaadhidda iyo ku celceliska badan ee waxa aad doonayso in aad ka midho-dhaliso waa muhiimadda ka dambaysa waaritaankii iyo ku socodka dariiqa guusha.

5.  Sabar/ Samir

Qof ayaad rabtaa tusaale ahaan in aad la xidhiidho adiga kaala munaaqishoonaya mawduuc ama wax weydiinayo, kadib wuxuu adeegsaday kelmado keeni kara in aad xanaaqdo. Haddaba haddii aad xanaaqdo oo aad si kulul ugu jawaabto haba yaraaate labadiina ba idinma dhex mari karaan wax la yidhaahdo wada xidhiidh wanaagsan. Wuxuu ku leeyahay qoraagu waa in aad u samirtaa. Qodobkan ilkaha ku qabo, waa in aad samirto qofka kula xidhiidhayo oo aad rabto in uu idin dhex maro hadal oo kale.  Saxaafadda hadda tayadeeda sarreeso ma qaataan weriye xanaaq badan ama xanaaqayo, waayo waxay aad u eegaan in weriyahan u samir badan yahay waxa uga imaanayo bulshada, sida oo kale haddii aad tahay macallin oo ardayda kugu buuqaan, qiso yar u sheeg oo aad ku ilawsiinayso buuqa ka dibna casharkaagii horey ka sii wado.

Guud ahaan buugga “How to be a great communicator” wuxuu ka hadlayaa sidii qofku ku noqon lahaa qof si wanaagsan ula xidhiidha dadyawga kala duwan ee uu la kulmaayo, sida oo kale na waxa uu awooodda saarayo ayaa ah in uu akhristaha baro sidii qofku hadalkiisa iyo xirfadihiisa khudbadeed u hagaajin lahaa, waxa xusid mudan in buuggu dhiirrigelin siinaayo diyaarinta iyo daraaseynta hadba mawduuca taagan ee qofku rabo in uu wax ka yidhaahdo.

DHAMMAAD

Mahadsenid



 

Comments

Popular posts from this blog

Buugga: Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Buugga: Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa

Buugga: Xabag Barsheed