Buugga: The Four Agreements
Qoraaga: Don Michel Ruiz
Sannadka: 1997
Bogagga: 120
S/G: Amiina Mohammed
Buuggan
waxa qoray qoraa Mexico u dhashay, kaas oo ka howl-gala school la dhaho “School
of Wisdom”, waxa la sameeyey daabacadii ugu horreysay 1997 kii, waxaana laga
iibsaday in ka badan 7.2 million oo
buug, waddamada ugu iibsiga badanna waxa hormuud u ah USA, buuggan sida oo kale
waxa laga turjumay in ka badan 40 luuqadood,
runtii na waxa uu awoodda saarayaa xoriyadda nafeed ee uu qofku ku noolaan karo
isagoo leh qoraagu, waa daruuri in aad naftaada la gasho 4 heshiis oo aad muhiim ugu ah, mise na kelifaysa in ay ku
noolaato xasilooni badan oo horumuud u noqota farxad iyo kalsooni badan.
Afarta heshiis waxa ay kala yihiin sidatan:
1. Be impeccable with your word. “U fiirso ereyadaada”
Dabcan sida daruuriga ah,
qofka bani’adamka ah waa in uu aad uga taxadaro weedhaha uu ku odhanaayo dadka
kale iyo kuwa uu naftiisa ugu sheekaynaayo ba. Wuxuu qoraagu leeyahay maaha in
uu qofku dadka ku dhaho hadallo taban oo xanaf leh taas oo waxyeelaysa qalbiga
dadka ku xeeran, isla sida oo kale qoraagu wuxuu leeyahay marna ma habboona in
qofka naftiisa ugu sheekeeyo weedho taban oo nusqaaminaya kartida iyo awoodda
ku duuggan dadnimadiisa.
Ereyadu aad ayay awood u badan yihiin, waan oganahay in marka la oranaayo ay aad u fudud yihiin balse saamayntoodu ay aad u sal balaaran tahay, runtii waa kii Abw. Salaan carabey lahaa “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”, wuxuu qoraagu leeyahay isku fiirso oo noqo qof ogaal u leh waxa uu dhahaayo, ka tanaasul 80% ka mid ah in maskaxdaada ay isugu sheekeeyso ereyo taban oo waxyeeli kara dabeecadaada, dhaqankaaga iyo guud ahaan shakhsiyadaada..
2. Don't take anything personally. “Ha u qaadan wax kasta si shakhsi ah”
Kani waa heshiiska 2’aad ee aad la gelayso naftaada, wuxuu qoraagu leeyahay iska ilaali in aad erey kasta oo dadku ay kugu leeyihiin aad u qaadato si shakhsi ah, oo aad u fiirsato erey kasta oo ka soo baxaya dadka ku xeeran, laga yaaba in dad badan ku dhahaan ereyo aadan xamilahayn ama waxku yeelaayo se ka fikir ereyada ma yihiin kuwo agtaada ahaaday oo adiga ku turjumaya, wax badan ha ka soo qaadin ereyadaas, waayo sida badan ereyada qof kasta gudihiisa ka soo baxaya isaga ayay turjumaan, dadku waxay hadlaan marka uu jiro stress ama cidhiidhi nafseed. Iska illow ereyada taban ee dadka afkooda ka soo baxaya, hana sii fasiran waayo in ka badan dadka adiga ayaaba is yaqaana, ogow na naftaada markaad taqaanno wax badan laguguma gaadhsiin karo hadallo taban iyo wax la mid ah, dabcan hadallada dadka ay na leeyihiin keliya waaba aragti, aragtidaana adiga ayaa rumayn kara ama beenin kara.
3. Don't make assumptions. “Ha samayn iska malaynta”
Heshiiska 3’aad ee aad
naftaada la gelayso wuxuu ku leeyahay qoraagu waa in aad iska ilaaliso in aad
wax iska malayso oo adiga isu sheegto in waxaasi sidaa yihiin, ma habboona in
aad ka qaadato malayn xun dadka, waayo Rabbi SWT uu nooga digay in aan sidaa
samayno, rasuulkeenna na sida oo kale wuu nagala hadlay.
Wuxuu ku leeyahay qoraagu, qofka haddii aad wax ku tuhumto u tag, muuji geesinnimo iyo dhiiranaan oo u sheeg waxaad ka aaminsan tahay si uu isaga kuu qanciyo, shakhsi ahaanna waxa wanaagsan in aad qofka sidiisaba wanaag u rajeyso oo aad ka filato wanaag inta wax kasta sida dayaxa kuugu caddanayaan, markaa mar kasta ku dhaqan aragtida ah “Ka ficil-qaadashada wax kasta oo indhahaagu arkaan ama dhegahaagu maqlaan” kuwaas oo xaqiiq ah mise aan ahayn wax dadka kuula yimaadeen.
4. Always do your best. “Wax kasta u qabo sida ugu wacan ee karaankaaga ah”
Heshiiska ugu dambeeya ee 4’aad ee aad la galayso naftaada waxa weeye qodobkan oo uu qoraagu ku leeyahay, maalin kasta oo noloshaada ah isku day in aad u qabato sida ugu wanaagsan ee awoodaada ah, dabcan, waxba ha la hadhin si ay wax kasta u noqdaan wax wanaagsan oo aad ku qanacsan tahay. Rasuulkeenna CSW waa kii nagu dhahay “Xasuusnaada macaan-gooyaha” taas oo ah geerida iyo mallaga, tan macnaheeda waxay tahay in maalintaada aad uga faa’idaysato sida ugu wanaagsan ee karaankaaga ah, taasoo raalligelinaysa rabbi SWT iyo naftaada ba, xittaa haddii aad jirran tahay, ahow mid ku xisaabtama qabashada wax wanaagsan, wuxuu leeyahay qoraagu xaalad kasta sida ugu wanaagsan u qabo oo ha isku dayin in aad ka caajisto ama aad muuujiso awood-yaraan …
********
Halkaas ayuu ku soo gebagebaynayaa qoraagga buugu ka hadalka- 4-ta heshiis ee ugu habboon in uu qofku la galo naftiisa, mise na ku dhaqmo si noloshiisu u noqoto mid leh qiyam, mabda’ iyo qaabsanaan u gaar ah.
MAHADSANID
Comments
Post a Comment