Posts

Showing posts from September, 2020

Buugga: Think and Grow Rich

Image
Buugga: Think and Grow Rich, ( What Ever Your Mind Can Conceive and Believe, It Can Achieve) Qore: Napoleon Hill Sannadka uu soo baxay:  1937 Bogagga : 259 Bog Cutubyada: 13 Cutub Daabacaddii: 2000 S/G:  Amiina Mohammed HORDHAC Buuggani wuxuu noqon karaa mid qiimahiisu adiga kuugu joogo malaayiin doolar. Odhaahdan waxa buugga ku ibo-furaya qoraaga buugga, Waa American, Magaciisu waa Napoleon Hill, Waxa uu saamayn togan ku yeeshay dad badan oo ka dib curashada buugiisan markii ay akhriyeen noqday dad Hodan/tujaar ah. Waxa uu xoojinayaa qaaciido uu lahaa nin la odhan jiray Andrew taas oo ah “Formula For Money-Making”, “Qaaciidada, Sida Loo Sameeyo Lacagta” Waxa uu leeyahay 13 hab oo si cad u sheegaya sida loo gaadho hodantinimada/taajirnimada, Qoraaga buuggani waxa kale oo uu leeyahay buug kale oo magaciisa la yidhaa “The Law Of Success” ”Sharciga Guusha” sida ku cad hordhaca buugga odaygu waa Philosopher “Filoosafar”, wuxuuna cilmi uu leeyahay cilmiga Philosophy ga.   Buuggan

Buugga: How to be A Great Communicator

Image
Buugga: How to be A Great Communicator  “ In person, on paper and on the podiam" Qoraaga : Nido Qubein Duubista: OGAANSHO Channel S/G: Amiina Mohammed Buuggan waxa uu ka hadlayaa xidhiidhinta iyo dhinaca la hadalka dadka. Waxa qoray nin la dhaho Nido Qubein . Waxa adag in buug intan le’eg lagu soo koobo si sahlan, se waxaan is dul taagi doonnaa muhiimadda iyo ahmiyadda uu xambaarsan yahay buugga iyo qodobada ugu muhiimsan. Buuggu wuxuu ku bilaabmayaa sidan: La xidhiidhitaanka, iyo in aad dadka aad xidhiidhin-taqaano oo aad adeegsan karto hadalada wanaagsan, muhiimadda hadalkaaga oo cad lana fahmaayo waa waxa ugu muhiimsan ee casrigan aan noolnahay loo baahan yahay. Buuggan waxa uu leeyahay markaan dhalanay wixii ugu horreeyey ee afkeenna ka soo baxay waxa uu ahaa hadal taas oo ah cabirid aan cabirayno jiritaankeenna. Ilmaha marka uu dhasho ee uu yaryahay ma hadlo se wadada uu adeegsado si uu dadka ula xidhiidho waa oohin. Sida haddii uu gaajaysan yahay wuu ooyaa, haddii uu

Buugga: The Four Agreements

Image
Buugga: The Four Agreements Qoraaga: Don Michel Ruiz Sannadka: 1997 Bogagga: 120  S/G: Amiina Mohammed HORDHAC Buuggan waxa qoray qoraa Mexico u dhashay, kaas oo ka howl-gala school la dhaho “School of Wisdom”, waxa la sameeyey daabacadii ugu horreysay 1997 kii, waxaana laga iibsaday in ka badan 7.2 million oo buug, waddamada ugu iibsiga badanna waxa hormuud u ah USA, buuggan sida oo kale waxa laga turjumay in ka badan 40 luuqadood, runtii na waxa uu awoodda saarayaa xoriyadda nafeed ee uu qofku ku noolaan karo isagoo leh qoraagu, waa daruuri in aad naftaada la gasho 4 heshiis oo aad muhiim ugu ah, mise na kelifaysa in ay ku noolaato xasilooni badan oo horumuud u noqota farxad iyo kalsooni badan. Afarta heshiis waxa ay kala yihiin sidatan: 1.    Be impeccable with your word.  “U fiirso ereyadaada” Dabcan sida daruuriga ah, qofka bani’adamka ah waa in uu aad uga taxadaro weedhaha uu ku odhanaayo dadka kale iyo kuwa uu naftiisa ugu sheekaynaayo ba. Wuxuu qoraagu leeyahay maaha i

Buugga: Leaders Eat Last

Image
Buugga: Leaders Eat Last Qore: Simon Sinek Bogagga: 350 S/G: Ahmed Suleiman Hordhac Leaders Eat Last.. waa buug uu qoray qoraagga Simon Sinek oo ah qoraa buugaag kalena leh buuggani waxa uu ka koobanyahay 350 baal, 8 qaybood iyo 27 cutub waxaanu soo baxay sannaddii 2017 -ka. Buugani waxa uu si weyn u qaadaa dhigayaa in hogaamiyayaashu inta badan ay ugu dambeeyaan wixii dheef ah iyagoo iska horaysiiya cidda iyaga ka hoosaysa (Subordinates). Waxaa uu qoraagu sheegayaa in ciidamada ka hawlgala badaha ay inta badan hor fuliyaan kuwa iyaga ku cusub halka ay dambe cunaan kuwa seniorka ah. Waxaa uu xusayaa nin Maraykan ahaa oo ciidan uu watay diyaaradi kula ciladawday waddanka Afghanistan iyagoo dul maraya, Johny waxa uu sameeyay in uu gurmad dirto, markay soo gaadheena waxa uu mid mid u badbaadiyay ciidamadii la socday isaguna waxa uu noqday ruuxii ugu dambeeyay ee ka soo badbaaday. Dhulalka reer galbeedka waxaa inta badan dhacda in dadka sharikadaha maamuulaa ay kala dhaqan iyo h

Buugga: Move Fast and Break Things

Image
Buugga: Move Fast and Break Things Qore: Jonathan Taplin Bogagga: 309 S/G: Ahmed Suleiman Hordhac Buugga la yidhaahdo Move Fast And Break Things ee uu qoray Jonathan Taplin waxa uu ka koobanyahay 309 baal iyo 12 cutub,soona baxay 2017. Waxa uu badi ka waramayaa siyaalaha dhibka yar ee tiknoolajiyaddu ay u afduubatay aadaminamdii(Humanity), Obama ayaa laga hayaa in reer galbeed noqday duur joog"a wild west" isagoo ku sheegaya in tiknoolajiyadii dhalan gediday, 44% ila wareedka dadka reer Maraykan waa Facebookga, qoraaga ayaana xusaya in Privacy-gii lumay, Software-kii ayaa dunidii cunaya oo shaqooyinkiina soo fara geliyay, $1 bilyan ayuu facebook-gu ka nuugay jaraaidada oo xayaysiis ku heli jiray 2016-kii. Google ayuu qoraagu sheegayaa in mudadii 2003-2015 ay xoogsadeen adduun dhan $1.5 Billion illaa $74 Billion. Warbaahinta ugu weyn dunida waxaa noqday Google, waxa ugu badan ee dadku ay ka baadhaan ayaa noqotay madadaalo, 2006-dii sharikado kale ayaa dunida hogaaminayay w