Posts

Showing posts from February, 2021

Buugga: Jidka Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah.

Image
Jidka Loo Soo Maray Falsafadda Runta Ah. S/G: Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac —————————— Buuggan waxa 1977kii soo saartay madbacaddii qaranka JDS ee Muqdisho. Waxa la ga soo turjumay labo buug oo afka ruushka ku qornaa. Kuwaas oo iyaguna soo baxay, 1966. Labada buug wax ay ahaayeen; Bilowga duruusta falsafadda iyo aasaaska aqoonta falsafadda. Shaqadaas wanaagsan ee labadaas buug lagu soomaaliyeeyay, wakhtigaas aadka u fog, waxa suubiyay, allah ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Dhunkaal. In buug sidan u qiimo badan la soo saaro, wakhti yar ka dib markii farta soomaaligaba la qoray, runtii waa waxqabad xus mudan. Waxa se mucjiso ah in qoraaga waxqabadka intaas le'eg sameeyay, aan xog badan laga haynin! Cabdillaahi Raage, oo buuggan dib u soo nooleeyay, ayaa raadin dheer kadib xog aan dhammaystirnayn ka helay qoraagaas. Waa tusaale nool sida qofka soomaaliga ahi u maquuran karo, isaga oo mar jiray! Buuggan waxa uu akhristuhu ka dheefayaa, socdaalkii dheeraa ee ay falsafaddu soo martay

Buugga: Women around the messenger

Image
Women around the messenger S/G: Amiina Mohammed Buugga Women around the messenger, oo carabi ahaanna ku ah نساء حول رسول الله. Waxa qorey Muxammed Cali Qutb, waxaana afka ingiriisiga ku turjumay Abdu-Rafic Adewele Imam. Wuxuu buuggani ka kooban yahay 351 bog iyo afar qaybood oo is dul taagayaa guud ahaan dumarkii ka ag dhowaa noloshii Rasuulkeenna عليه الفضل الصلآة والسلآم oo ay ka mid yihiin: 1. Afartii hooyo ee rasuulka oo kala ah, Amina Bint Wahab maamadii rasuulka, Xalimah As-Sacdiyah, Barakah al-habashiyah iyo Fatima Bint Asad oo dhammaantood ba ah maamooyinkii naas-nuujinta rasuulka ka qayb qaatay. 2. Xaasaskii rasuulka oo ahaa 11 xaas. Buuggu waxa uu mid kasta kaga warramayaa tariikhdeedi oo kooban iyo doorkii ugu muhiimsanaa ee ay ka qaadatay bulshadii ay markaa la noolayd iyo islaamka ba. Doorkii ay mid kasta o ka mid ah ay rasuulka iyo diinta ba ugu jirtey, iyo mid kasta oo ka mid ah meelaha ay u wanaagsanayd, taasoo keentay in talooyin wax ku ool ah rasuulka iyo asaxaabtiis

Buugga: Maalinkii u dambeeyey Jannada

Image
M aalinkii u dambeeyey Jannada S/G: Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac ----------------------------------------------------------------- Waa wada sheekaysi dhex maraya hooyo Xaawa iyo aabbo Aadan. Waa allifaad khiyaal ah, oo aan run ahayn. Waxa qoray, Cali Amiin Yuusuf oo u dhashay dalka Masar. Waxa soo rogay, oo afkeenna kusoo hodmiyay, saaxiibkay Axmed Deeq . Wax aannu ka mid yahay, mashruuca madbacadda Hiil Press ugu magac dartay, hiil turjumid. Waa hooyo Xaawa oo ku caajistay, jannada iyo nimcooyinka eebbe ugu deeqay, kana doorbidaysa xorriyad iyo in ay hesho meel aan cid kale la joogin. Jannadaba cid kale lama joogto, balse xitaa malaa’igtan jannada buuxdhaafisay, bay ka maagaysaa. Meel wax kaste la siinayo, oo aan “maya” ba ka jirin bay diiddan tahay. Dood dheer bay Aadan la gelaysaa, si ay meeshan uga baxaan. Wax kaste oo uu ku baajin karo, isaguna waa isku deyayaa, balse way ka diidday. Nagata. Aakhirka waxa la isla qaadanayaa, in Malag Ridwaan loo tago, oo meesha naga fur la yid